Akhriso Saadaasha Aqoonyahan Ismail iyo RW la soo wado ”Dr Gaas …”

1088

Ismaaciil Aadan Diiriye Agaasimihii horre Hay,adda Daryeelka Bulshada Puntland ayaa bartiisa Facebook ga soo dhigay Qoraal uu dareenkiisa ku cabirayo isagoo Saadaal ka bixinaya Raysul Wasaaraha uu soo magacaabi doono madaxweyne Xasan Sheekjh wuxuuna ku bilaabayaa sidatan ”Ma runbaa in ay nabadoon Xaad iyo Axmed Diiriye u dhiibeen madaxweynaha liis ay ku qoranyihiin niman isku beel ah, Kuna amreen in uu shakhsiyaadkan midkood ka dhigo Raiisul Wasaaraha soo socda? waxay u siiyeen mudnaanta sida ay u kala hormariyeen magacyadooda Saacid ayaa 3 jeer ka mudan saaxiibadiis.

1-Saacid Shirdoon
2-Saacid Shirdoon
3-Saacid Shirdoon
4-Xoosh Jibriil
5-Yusuf Ali Adan
6-Jaamac Cali Jaamac
7-Farmaajo
8-DR Gaas”

 

Ismaaciil Aadan Diiriye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ”Waxay ahaataba weli ma aanan garan shakhsiyaadka liiskan ku qoran iyo sida ay mudnaanta ku kala siiyeen nabadoon Xaad iyo Axmed Diiriye, hadii laga reebo DR Gaas”

Aqoonyahan Ismaaciil Aadan Diiriye  ayaa sharaxaad dheer ka bixinaya sababta ay odayaashu ula soo baxeen  madaxweynha iminka ee Puntland Dr Gaas wuxuuna yiri ”DR Gaas oo ay nabadoonada u riyaagsan yihiin tan iyo intii loo doortay xilka madaxweynaha Puntland maadaana uu durbadiiba ogolaaday wax uu mudo hortaagnaan jiray DR Faroole oo ah in la dhiso gudi dastuur oo sharci darro ah, gudigan ayaa waxa dhistay wasiirkii hore ee dastuurka Faarax Sh Cabduqaadir oo ay daraadiis u burburtay xukuumadii firfircoonayd ee raiisul wasaare Cabdiweli Sheekh, gudigaas Faarax Sh Cabduqaadir dhistay ayuu ku amray DR Gaas in uu xubin ku soo darsado”

 

Ismaaciil Aadan Diiriye  ayaa hadalka ku soo gabagabeeyey Gudiga uu Faarax soo dhisay Dr Gaas na uu ku raacay waxa uuna yiri ”Gudigan oo loo dhisay si aan sharci ahayn ayaa la dhisay iyadoo weli uusan dhisnayn aqalkii sare ee ansixin lahaa, Gudigan ayaa howshiisu tahay inuu dastuurka khaldo”

Ismaaciil Aadan Diiriye  ayaa ugu dambayntii su’aal waydiiyey saaxiibadiisa Facebook waxayna u dhignayd su’aashu sdatan ”Yaa kaloo aad is leedahay waa ku dareen odayaasha liiskan raiisul wasaraha soosocda?”

992

WQ Ismail Adam Dirie.

Xigasho:- https://www.facebook.com/ismail.dirie.3

Editorail Office

Puntlandfes.com

info@puntlandes.com

 

 

About The Author