Dagaal kooban oo ka dhacay saaka Deegaanka Tukoraq
28 Jan 2018 (Puntlandes) Wararka naga soo garaya Deegaanka Tukoraq ayaa sheegaya inay subaxnimaddii horre ee saaka halkaas ku dhexmarey labo ciidan oo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland is rasaasayn kooban ka dib markii weerar gaadmo ay waaberigii horre ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Puntland fariisimo ay degan yihiin ciidanka Somaliland.
Khasaaraha ka dhashay weerarkii saaka Faahfaahin rasmiya lagama hayo, ciidanka Puntland ayaa sida wararku sheegayaan ka careysan daahniinka mudada ka qaatey Puntland diyaargarowga ay ugu jirto dagaal ka dhan ah Somaliland.
Puntlandes.com