Faahfaahin Hawgal ay Xalay ka fuliyeen Ciidan Puntland deegaanka Tukaraq

28 Jan 2018 (Puntlandes)  Ciidamo Puntland ah ayaa waxa ay dagaal arbushaad mir ah ku sameeyeen xalay, ciidamada Somaliland ee qorax u dhaca Laamiga ka deganaa oo wajahadoodu tahay inay difaacaan ciidamada Puntland ee aagaas ku teedsan.

26

Ciidanka Puntland oo ku hubaysnaa qoryaha daran dooriga u dhaca isla markaasna ay hogaaminayeen Saraakiil si gaar ah ugu tababaran dagaalada habeenkii ayaa waxay weerar culus ku qaadeen Ciidamada Somailand ee aagaas.

Hawlgalkaasi wuxuu noqday mid sidii loogu talagalay u dhacay kadib markii Ciidanka Puntland ay cagta mariyeen saldhigii ciidanka Somaliland ay ku lahaayeen Buur dusheed.

Khasaaraha hawlgalkaasi wuxuu noqday 3 dhimasho ah iyo 4 dhaawaca oo soo gaara Ciidanka Somailand iyo iyadoo lagala wareegay Taliskii Buurta ee u difaaca ahayd.

Hawlgalka saqdii dhexe ee xalay wuxuu bilow u yahay hawlgalo waawayn oo bilaami doona maalmaha inaku soo aadan, kaasoo ay dawladda Puntland ku fulinayso balanqaadkeedii hore ee ahaa in la Xoreeyo inta ka dhiman Gobolka Sool oo ay haysato Somaliland.

Wixii war ah oo kasoo kordha arinta Sool kala soco warbaahinta Puntlandes.com.

Puntlandes.com.

About The Author