Maxaa ka jira in Madaxweyne Dr Gaas uu safar dibadda ah u baxayo?
28 Jan 2018 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes oo xiriir ay la samaynay saraakiisha Madaxtooyadda ee dawladda Puntlaand iyo mas’uuliyiin kale oo dawladda ka tirsan waxay u xajiiqiyeen inuusan jirin wax safar ah oo madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uga baxayo Puntland oo hadda qorshaha ku jira.
Maalmahaan ayaa waxaa jiray warar la isla dhexmarayey baraha Bulshada oo sheegayey in madaxweynaha Puntland uu safar u yahay dalka Itoobiya, taasoo aan ah mid aan jirin oo xaqiiq ah.
Puntlandes.com