Ururuka MAP oo Cambaareeyay handadaadii taliyaha qeybta Garowe uu u geystay wariye

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee (MAP) waxaa uu si weyn u canbaareynaya falkii handadaada , caga-Jugleynta iyo cabsi gelinta isugu jiray ee maalintii Axada uu Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal kula kacay Weriye Cali Cabdi Ducaale oo ka tirsan Radio Garowe iyo Puntland Post.

Waxaa wax aad looga xumaado ah in Taliyaha Ciidamada Police Gobolka Nugaal Axmed Cabdulaahi Samatar (Layli) uu xaruntiisa shaqo kusoo handado Weriye Ducaale oo uu ugu hanjabey inuu xirayo.

“Shaqada buu iigu yimi Taliyuhu oo ilaaladiisa wata , waxaa uu ii sheegay inuu igu haysto war aan ka sameeyey gaadiidley ku banaanbaxdey garoowe todobaadkan iyagoo ka cabanayo arrimo khuseeya Cashuuraha Macaashka, waxaan u sheegay inaan warkaasi u qorey si dheeli-tiran oo waafaqsan xeerarka saxaafadda anigoo dhinaca dawlada ka qoray jawaabtii ay ka bixisey cabashadaa dibad-baxayaasha ” Cali Cabdi Ducaale ayaa sidaasi yiri.

“waxba waa iga maqli waayey, oo waxa uu iigu hanjabay in la xirayo, waxaanu amrey in la I saaro gaarigii uu watay xagiisa danbe, weliba fursad la iima siin inaan kursi ku fariisto, kadib waxaa uu idhahay iga deg dhakhso deg” Cali ayaa sidaa mar kale yiri.

MAP waxay ku tilmaamtay falkan mid nasiib daro ah oo mugdi gelinaya madaxbanaanida saxaafada puntland iyo guud ahaan xor u hadalka “Waa Nasiib daro in Taliye Ciidan uu handado Weriye , waana talaabo ka hor imaaneysa Dastuurka Puntland, madax banaanida Saxaafada iyo guud ahaan xor u hadalka, waxaan ugu baaqeyna Dowlada Puntland inay ka feejignaato falalka noocan oo kale ah ee khatar-ta ku ah saxaafada iyo Madax banaanideeda” Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland faysal khaliif ayaa sidaas yiri.

MAP waxay ka welwelsantahay sida ay xowli ugu socdaan falalka handadaada iyo cago-jugleynta isugu jira ee warbaahinta madaxa banana ay kala kulmayaan hey,adaha kala duwan ee Dowlada mudo ka yar afar bilood, waxaa si aan waafaqsaneyn sharica loo xirey labo weriye, waxaa side kale Culeys lagu saarey Shirkada Isgaadhsiinta ee Golis in ay xanibaad ku sameyso shan website oo kala ah puntlandtoday.com puntlandnow.com, puntlander.com, galgalanews.com, and jidbaale.com iyadoo aan la waafajin qaanuun xayiraada lagu sameeye websityadaasi.

Ururka Suxufiyiinta Puntland waxaa uu markale cod dheer ugu baaqaya Dowlada Puntland inay ilaaliso madax banaanida saxaafada ,xor u hadalka iyo inay weriyayaasha u ogolaato inay noqdaan kuwo u madax banaan shaqadooda oo aan welwel iyo cabsi lagu abuurin.

Dhamaad

About The Author