Sawiro: Maxaad kala socataa kulankii maanta ee maxadweyne Xasan iyo Beesha caalamka?

Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ku kulmay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Wakiilada Beesha caalamka. Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Raysul Wasaarahii Bedeli lahaa Cabdiwali oo waayey kalsoonida Baarlamaanka DFS.

Sida ay Warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes ka heshay warar lagu kalsoon yahay Beesha Caalamka ayaa miiska soo saartay in aysan marna aqbalayn Raysul Wasaare ka mid ah Urur Diineedka Dam Jadiid ama ay iyagu keensadeen.

Madaxweyne Xasan ayaa dhankiisa ku dooday in aysan rabin Beesha Caalmku in Soamalia dawlad yeelato maadaama ay Ururkiisa u diidan yihiin Rasul Wasaare uuna doonayo qof uu la shaqeeyo.

Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale ka codsaday Beesha Caalamka in ay dawlada dhehe kaliya ay la xiriiraan uuna aqbalayo dalabkooda.

1097
1091

1092

1093

1094

1095
Wixii war ah oo ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author