Dhagayso: Sanbaloolshe oo ka hadlay arimo badan oo XASAASI ah

01 Feb 2018 (Puntlandes) Agaasimihii hore ee nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhalliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii dhowaan ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee looga guulaystay kursigiisii hore ee baarlamaanka.

38

Sanbaloolshe oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in markii laga qaaday xilka Taliyaha NISA ay aheyd in meesha kale ee u banaan oo ahaa Kursigii Xildhibaannimo ee uu baneeyay inuu mar kale buuxiyo, maadaama uu siyaasad ka shaqeeyo.

“Waxaa aaminsanahay waxyaabaha keenay in aan kursiga waayo waa saddex arrimood, tan koowaad waa Guddiga doorashada habka ay u wadeen howsha oo aheyd cagajiid, mar hore ayay aheyd inay qabtaan, laakiin faragelin toos ayay dowladda ku heysay iyo ninka aniga gurisga iga qaaday oo ay gacan muuqata u lahyed iyo dadka wax dooranaya oo wacyi badan aan laheyn oo lagu sumeeyay maalgelin xoog leh, caqabdaha faragelin ee jiray ayaa sabab u ah in aan waayo kursiga”ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in dowladda ay musharaxa kale ee ka guuleystay Nuur Iidow Beyle ay ku taageertay lacag gaareysa hal milyan oo dollar, taasna ay tahay mid si aan caadi aheyn oo musuq maasuq ah, isla markaana saameysay natiijada doorashada.

Dhanka kale Sanbaloolshe oo ka hadlay wareejintii Cabdikariin Qalbidhagax ee ay dowladu u gacan gelisay dowlada Ethiopia ayaa “Golaha Wasiirada ayaa kulan ay yeesheen ayaa waxa ay ku cadeeyeen sababta loo dhiibay Qalbidhagax iyo waxa kalifay, waxaa ka hadlay wasiirka warfaafinta anigana go’aan dowlada aysan ogeyn haddii aan gaaro aniga ayaa la I qabsan lahaa.”a.

Sidoo kale wareysiga ayaa Sanbaloolshe waxaa uu ku sheegay in warbixintii ay baarlamaanka ka soo saareen arrinta Qalbidhagax ay ahayd mid aan nadaamsanayn.

Agaasimihii hore ee Nabadsugida Cabdulaahi Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay arrimaha mucaaradka ka soo horjeeda dowlada ayaa waxa uu ku tilmaamay jahwareer Siyaasadeed;

“Dowladeena waxa ay ka dhigeysaa inay yihiin wiilal dhalinyaro ah oo qamri laga dharjiyay baabuur dheereysa furaheeda loo dhiibay darbi walbana kula dhacaya dadka ku laaynaya aakhirkiina iyagana ku dhimanaya.” Ayuu yiri Sanbaloolshe.
Sanbaloolshe ayaa dhaliilay hab dhaqanka dowlada ee mucaaradka waxana uu ku taliyay in dabeecadaha lagula dhaqmayo wax laga bedelo.

“looma baahna in siyaasiyiinta la caburiyo dagaalka Al-shabab lagula jirana loo wareejiyo meel kale wadankana laga dhigo meel dadka lagu caburiyo gacan bir ahna lagu qabto xoriyatul qowlna uusan jirin,”.

Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in xil ka qaadistiisa ay kutimid talo lagu siiyay Dowlada in go’aan ay qaadato si ay ugu kaarto baxdo.

 

Dhagayso waraysiga Sanbaloolshe


Puntlandes.com

About The Author