Sawirro: Madaxweynaha Puntland & Wefti oo uu hogaaminayo oo safar ugu Ambabaxay Muqdisho

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo  ayaa maanta 04 Feb 2018 safar ugu ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda DF Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha  magaalada Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshi kusii sagootiyey, Madaxwayne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dawladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay Ujeedka  safarkiisa ayaa sheegay in magaalada Muqdisho isaga iyo weftiga uu  hogaaminayo ay kaga qayb geli doonaan shirka amniga qaranka ,shirkaas oo ka furmi doona Magaalada Muqdisho ayna kasoo qayb geli doonan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah Dawlada Feredaalka Soomaaliay.

“Waxaan Galabta udhoofayaa Magaalada Muqdisho oo aan kaga qayb-gelidoono shirkii Amniga Qaranka oo ay isugu imanayaan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dawladaha xubnaha ka ah DF Soomaaliaya , shirkaas oo qaadan doonaa muddo laba maalmood ah , waxaana looga hadli doonaa hawlo Laxiriira amniga Qaranka insha alaah intaa kadib waxaan kusoo laaban doonaa Caasimadda Puntland ee Garoowe. ”

” Waxaan rajaynayaa in aan amnigeena iyo nabd-gelyadeena sii kobcino guul iyo khary ayaan rajaynayaa inshaa alaah “

 ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka qayb gelid doono shirka amniga qarnaka Soomaalia ,shirkaas oo furmi doonaa maalinimada beroto ah lana Soo gebagebayn doono labada maamlood ee fooda inaku soo haya.

 

Puntlandes.com

About The Author