Shir lagu Carqaladaynayey nabadaynta Gaalkacyo oo Fashil ku dhamaaday!!

04 Feb 2018 (Puntlandes) Sidii baryahanba caadada u ahayd Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (CXDS) Cabdiweli Jaamac Warsame Gorod iyo Horgalayaashiisa, sida Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey oo asagu nacfi doon ah, inuu ka shaqeeyo Carqaladaynta Nabadda Gaalkacyo iyo iska horkeenka shacabkeeda, ayaa xalay ka abaabulay magaalada kullan.

43a

Kullanka oo loogu magacdaray ”DOOD KU SAABSAN NABADDA GOBOLKA MUDUG”  ayaa wuxuu uga gol lahaa Gudoomiye Tumey inuu ummadda Soomaaliyeed, DFS iyo Beesha Caalamka u tuso in shacabka reer Gaalkacyo taageersan yihiin in lagu wareejiyo ama la hoos geeyo magaalada Gaalkacyo maamulka Beesha ina Gorod ee Galmudug, iyadoo qorshuhu yahay in wajiga 1aad lagu wareejiyo Xereda Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Caano Ka-Dhan iyo Koontaroolka Koonfureed.

Kullanka ayaa waxaa Horgale Tumey ugu yeerty dhalinyaro aan fahansanayn sirta ina Gorod iyo Horgalayaashiisa ay la damacsan yihiin magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waxaa kullanka qorshiisu ahaa in su’aalo la sii qorsheeyey oo gaaraya 15 la waydiiyo ina Gorod iyadoo  aan wax kale la waydiin karin, si TV-yada Soomaalida looga baahiyo, waanu la qaadanay ina Gorod inuu Beeshiisa siiyo Xeradaas iyo Koontaroolka.

Sidii ku fashilmay kullankii khayaanadu

Nasiib wanaag waxaa markii ay kullanka saacado ka dhimanayd ka war helay waxgaradka, Aqoonyahanka, dhalinyarada, Odoyaasha iyo haweenka magaalaada Gaalkacyo, kuwaas oo gaashaanka u dhigay damicii liitay ee ina Gorod iyo Horgaladiisa.

Waxaa intaas aanu kor kusoo sheegnay ay iska xaadiriyeen goobtii uu kullanku ka dhacayey ee Hotel Sugulle, halkaasoo ay ka dhacday ina Tumey ”Tuug la qabtay talo maleh” taasoo keentay inuu kullankiii usoo qaban qaabiyey ninkii uu Horgalaha u ahaa  ka dhuunto.

Durbaba waxaa meesha ka baxay su’aalihii ay isla ogaayeen ina Gorod iyo ina Tumey oo horay uu usoo akhristay, iyadoo loo badalay in su’aalo toos ah oo aan qornayn la waydiiyo.

Qaybaha bulsha ee kala duwan ee ka qayb galay kullankaas ayaa u caddeeyey ina Gorod in aan Gaalkacyo beec ahayn laguna wareejinayn isaga oo kusii wareejinaya Beeshiisa.

Taliye ina Gorod waxay ku noqotay afdhalaaliso isagoo indhaha ka mirigmirigsiinayey oo fashilmay sidii saqiir Dhurwaa qaadaay ayuu kullankii soo namaaday.

Taliye Gorod oo Galkacyo ka ambabaxay

Taliye Gorod ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Galkacyo, isagoo kusii jeeda magaalada Muqdisho oo xafiiskiisu ku yaalay ayna ahayd inuu ka shaqeeyo.

Ina Gorad ayaa ku dhaaranayey markuu ambabaxayey inuu deg deg usoo noqonayo isagoo rogaal celis ah kana harayn ilaa Gaalkcyo ay Galmudug noqoto.

”NIN BALAAYO HURSHAA ISAGAA KU BAXEE CARTAN BOOS MA KANAA”

37a2

Shacabka magaalada Gaalkacyo oo ayaa waxay lahaayeen Horgale Tumey ”EEDAYSANOOW WAA LAGU ARKAA WAANA LAGU OGYAHAY”, qaar kalena waxay leeyihiin ”war ninku shaqadaan Horgalnimada ah horuu u yaqaanay, oo waa tii AUN madaxweyne CabdulahiYuusuf Axmed iyo RW Ruur Cadde markii ay isqabteen uu warka u gaynjiray Nuur Cadde, waana sababta Nuur Cadde Yurub u keenay”.

Marka Horgale Tumey waxay xaajadiisu noqotay ”Nina Shaqadiisa kama tago”.

 

Yasiin Faarax

Gaalkacyo Puntland, Somaaliya

About The Author