Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland Iyo Wefti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo oo ka daggay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 04 february 2018 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda DFS.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hogaaminayo oo ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland oo ka dagay galabta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweyey Masuuliyiin ka tirsan dawladda federalka Soomaaliya iyo shacabka magaalada Muqdisho ee caasimadda DFS Soomaaliya.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmidoona magaalada Muqdisho, shirkaasii oo ay ka qaybgali doonan Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dawladda DF Soomaaliya loogana hadli doono amaanka guud ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka qayb geli doona shirka amniga qaranka ee soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda dawladda fedaralka ah ee soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo la yeelan doona madaxda beesha caalamka, kuwaas oo uu kala hadli doono adkaynta nabadgelyada iyo barnaamijka xasilinta soomaaliya, mashaariicda hormarineed ee soomaaliya iyo weliba sidii wadashaqayn buuxda ay u yeelan lahaayeen beesha caalamka iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda federalka Soomaaliya.

Ugu Danbayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmaha uu joogo muqdisho wuxuu uga qaybgali doona shirka looga hadlayo xaaladda dalka soomaaliya uu ku jiro xiligaan oo diiradda si gaar ah loogu saari doono amaanka guud ee Soomaaliya.

 

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18
Puntlandes.com

About The Author