Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf soodhaweyn ah u sameeyey Golaha Amniga Qaranka
06 Feb 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xalay casho sharaf soodhaweyn ah waxa uu Madaxtooyada ugu sameeyey Golaha Amniga Qaranka.
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo shalay iyo Darraad soo gaaray Muqdisho, ayaa u yimid ka qeybgelitaanka Shirka Amniga Qaranka oo berri furmi doona.
Casho sharafta waxaa kasoo qeyb galay:
- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre
- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed
- Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi
- Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey
- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf
- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam
- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan
- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare
- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow
- Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga
- Taliyaasha Ciidamada qalabka sida, Nabad-sugidda
- Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee golahan Xubnaha ka ah.