Dhagayso: Siyaasi oo sheegay in Jubaland isbedel u baahan tahay waraysi Xasaasi ah oo uu siiyey golaha1960
06 Feb 2018 (Puntlandes) Waraysigan oo uu Siyaasi Cabdullahi Ciilmooge siiyey golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan, sida Puntlandes.com ayaa wuxuu kaga hadlay in aan dowlada Faderaalku waxba ka qaban AMNIGA sanadkii hore, loogana baahan yahay in iyada iyo dowlad goboleedaduba xil iska saaraan sidii ay u xorayan lahaayeen dhulka cadowgu haysto.
Sidoo kale wuxuu aad ugu dheeraaday in Dowlad goboleedka Jubaland wakhtigii dheeraa ee Maamulakani jirey ay ka gaabiyeen wax qabadkii looga baahnaa ee sida xoraynta dhulka au haystaan Cadowgu ,isku xirka maamul ee degmooyinka xorta ah ,horumarinta waxqabadka bulshada,daadejinta maamulka,iyadoo uu sheegay dadka reer jubaland u baahan yihiin hogaan wax ka qaban kara baahiyahooda gaarsiina kara meesha ay higsanayaan.
Weriye Abwaan Maxamud oo waraysi ka qaaday Siyaasi Cabdullahi Ciilmooge
Puntlandes