Guddoomiye Jawaari oo dalka dib ugu soo Laabtay
07 Feb 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo howl wadeenada golaha.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee JF Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wadamada uu tagay waxaa ka mid ah Dalka Turkiga ,waxaana intii uu joogay uu lasoo kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi.
Kalfadhigii Golaha Shacabka oo dhawaan furmaya
Xoghayaha guud ee golaha shacabka JFS Cabdi kariin Xaaji Cabdi ‘’Buux’’ oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu socdo u diyaar garowga furitaanka kalfadhiga sedaxaad ee golaha shacabka oo dhawaan si rasmi ah u frumi doono.
Puntlandes.com