Baaba,a Shiling Soomaaliga iyo Baahida Puntland u qabto Shiling iyada u gaar ah

10108

Dhaqaalaha ama lacagtu waa furaha horumarka Dowladnimo, Dowlad kasta oo horumar gaartay waxay leedahay Dhaqaale ku saleysan lacag ay Dowladdaasi sameysato isla markaasna ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay maamusho.
10105
Soomaaliya waxaa ka burburay dhamaan nidaamkii dowladnimo oo ay ugu horeyso nidaamkii Maaliyadda,Waxaa meesha ka baxay Bankigii Dhexe ee Soomaaliyeed, waxaana sicir barar ku dhacay lacagtii Shiling Soomaaliga maadaama aysan jirin cid maamusha,waxaana la kala garan waayey shiling soomaaligii saxda ahaa iyo kii been abuurka ahaa.
Qiimaha Shilling Soomaaliga ayaa noqon waayey mid fadhiya dhammaan suuqyada lacagta ee Soomaaliya, waxaana suuqyadaas hareeyey lacago been abuur ah gaar ahaan kuwa laga sameeyey waraaqaha loo yaqaan A4 ta.

lacagta Shiling Soomaaliga ee ku jirta Gacanta Ganacsatada soomaaliyeed ayaa ah mid khatar ku ah Caafimaadka qofka maadaama tayada waraaqaha laga sameeyey ay aad u liidato isla markaana cimriga lacagtu ay dheeraatey wasakh badanina ay ku sameysmatay.

Qiimaha halka Doolar ayaa u dhigma Soomaali ahaan 20.000 Sh.So taasina waxay keentay in jeebkaagu uu qaadi waayo Shan Dollar oo u dhiganta 100.000 Sh.So, sidaas awgeed waxay dadka badankoodu door-bideen inay isticmaalaan dollarka kaliya, iyagoo waliba aad uga naxa haddii baaqi ahaan loogu soo celiyo lacag shiling soomaali ah.

Kadib markii laga hirgeliyey Deegaanada Puntland Adeega loo yaqaan Sahalka (Sahal service) oo macneheedu yahay inaad moobilkaaga gacanta ku shubato lacagaha aad isticmaalayso isla markaana lacagta aad ku isticmaali kartaa ay tahay kaliya Dollarka, waxay ahayd horumar la gaaray laakiin waxaa horumarku kasii fiicnaan lahaa hadii lacagta la isticmaalayo ay noqon lahayd lacag Dalku leeyahay.

Dowladda Puntland oo 16 sano jirtay ayaa illaa hadda waxay isticmaalaysaa Shilling Soomaaligaas, waxayna Soomaaliya inteeda kale kala mid tahay dhibaatada lacag soomaaliga.

Puntand waxaa ka socda horumar la taaban karo oo dhinac walba taabanaya laakiin horumarku inaas waa ka dheereyn lahaa haddii Puntland ay heli lahayd dhaqaale ka badan kan ay hadda kaga qeyb-qaadato Horumarinta sida lacag Shiling Soomaali ah oo uu Maamulo Bangiga Dhexe ee Puntland.

Puntand waxay intaas quud-daraynaysay in Dowladdii Dhexe ee Federaalku ay soo laabato isla markaana bankigii Dhexe ee Soomaaliyeed uu qaato Mas,uuliyadda sameynta lacagta iyo maamulkeeda.

Heshiiskii Dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Puntland 11 maarso 2013kii oo ay kala saxiixdeen Ra’iisalwasaare Saacid iyo Madaxweyne Faroole ayaa Waxaa la isku raacay inay jirto baahi deg deg ah oo ku saabsan sidii loo heli lahaa Shilin Soomaali cusub.

Sidoo kale heshiiskii Dhexmaray Puntland iyo Dowladda Federaalka 14 okt 2014 oo ay kala saxiixdeen Ra’iisal wasaare Cabduweli Shiikh iyo Madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ka mid ahaa in la fuliyo Dhammaan Heshiisyadii horey loo galay oo uu ka mid ahaa heshiiskii Faroole iyo Saacid.
10106
Laakiin nasiib-darro Dowladda Federaalku wali uma muuqato inay dooneyso inay qaadato mas’uuliyadeedii, sida uu qabo Dastuurka Federaalku waxyaabaha ama howlaha ay la gaar tahay Dowladda Dhexe ee Federaalku waxaa ka mid ah, lacagta, Baasaboorka, Gaashaandhigga iyo Siyaasaddda Arimaha Dibadda.

Wakhti waxaa soo maray deegaamada soomaaliyeed oo deegaanka Puntland uu ku jiro in cid waliba ay ku fekertay inay lacag sameysato lacagta shiling soomaalida ugu yaraan in reerku uu soo iibsado mashiin yar oo u daabici kara Biilka reerka.

Waxaan Xasuustaa wakhti muddo la joogo inaan soo galay Makhaayad ku taal Magaalada Boosaaso si aan uga qadeeyo, waxaan goobta lacag bixinta (cashier) kula kulmay Sadex nin oo da’doodu tahay 30-40 sano jiro, mid ka mid ah ayaa jeebka wuxuu kasoo saaray lacag shiling Soomaali u eg oo aad u cusboon una qurux badan, markii uu bilaabay inuu tiriyo ayuu farihiisa fiiriyey wuxuuna arkay farihiisii oo madoobaaday, markaas ayuu saaxiibkiis ku yiri ( Waryaa hebel Xalay khadka ayaad ku badisay lacagta), taasoo aan u fahmay in raggaani lacagta ay ku qadeynayaan ay xaafadohooda kusoo daabacdeen.

Waxaa qeyb-weyn ka qaatay suulinta sameynta lacagta Deegaanada Puntland Culimo uu ka mid ahaa Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Ilaahay ha u naxariisto) iyaga oo kaashana Dowladdii markaas jirtay oo uu Madax ka ahaa Gen Cadde Muuse Xirsi.

Maamulka Somaliland oo mid ah Maamulada jaarka ay la tahay Puntland ayaa leh lacag iyaga u gaar ah oo uu maamulo Bangiga Dhexe ee Somaliland,taasina waxay keentay inuu kor u kaco dhaqaalohoodu isla markaana ay ilaaliyaan miisaaniyadooda dhaqaale.

Dhinace kale Dowladda dhexe ee Federaalka ayaa aduunka ka hesha taageero dhaqaale oo ah mid soomaaliya oo dhan loogu talo galay isla markaana ay iyadu si gooni ah u isticmaasho, waxaa jira wadamo badan oo ugu deeqa Dowladda federaalka lacago Cadaan ah waxaana ka mid ah Dalka Turkiga,iyadoo la wada ogsoon yahay in Ciidamo badan oo shisheeye ay la shaqeeyaan dowladda Federaalka taas oo aduunku ku bixiyo malaayiin lacag ah,Waxaa iyana jira in badan oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka oo wata Magaca Ciidan Qaran in Dowlado kale ay siiyaan taageero dhaqaale oo badan, iyadoo waliba aan ognahay Baaxadda dhul ee Dowladda Federaalku ay ka taliyo.

Hadaba haddii Puntland ay muddo sugeysay in Dowladda Federaalku ay dowrkeeda qaadato hadana aysan jirin wax dadaal ah oo muuqda, isla markaaana Puntland haddii ay daabacato lacag Soomaali la mid ah midda hadda Suuqyada taala la og yahay khatarta iyo khasaaraha ay ku keeni karto dhaqaalaha iyo Ganacsiga,waxaa joogo wakhtigii Puntland ay isku tashan laheyd isla markaana ay sameysan lahayd lacag iyada u gaara oo anigu aan u bixin lahaa Puntland Shiling.

Tani waa aragtideyda kuma khasbanid,taaduna tixgelin ayey iga mudan tahay.
Qore.Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar Surcad
saidsurcad@gmail.com

 

About The Author