Dhagayso: Madaxweyne Xasan oo Hadlaya Go’aanka Baarlamanka iyo dawladaha Xubnaha ka noqonaya Federaalka

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo ka qeybgalay barnaamijka Martida Makrafoonka ee idaacadda VOA ayaa soo ka codsaday Baarlamaanka in ay dib u eegaan Sharcigii Soomaaliyi ku heshiisay waxna ka bedelaan si aysan u soo noqon isqabsi.

Madaxweyne Xasan maruu ka hadlayey Dowlada Xubnaha ka noqonaya Federaalka Somalia oo wariyihu uu si dadban u waydiiyey Maamulkii Gobalada ”Mudug iyo Galgaduud” oo ay Puntland iyo DFS ka heshiiyeen ayuu isaga oo iskhaafinaya wuxuu yiri ”Intaan sanadku dhamaan bishan aan ku jirno Gudaheeda ayuu soo dhamaanayaa oo lagu dhawaaqayaa”

Isagoo hadalka sii wata wuxuu yiri ”waxaa haray waa Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose iyo Banaadir iyagana waxaan ku jirnaa qaabayntii, wadahadal in ay wax ku samaystaan ayey ku guda jiraan”

Madaxweyne Xasan waxaa u afduuban Soomaaliya oo dhan halka ay Puntland u afduuban tahay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas isagoo Cadowgeeda iyo cadowga Federaalka u sahlaya in ay Burburiyaan Puntland oo lagu soo dhisay tacab badan iyo Dhiig. Mana aha madaxweyne Xasan iyo Dam Jadiid oo shalay soo fuulay Masraxa Siyaasada Somalia in ay Bur buriyaan Puntland oo soo jirtay mudo ka badan 16 sano, laakiin Masuulkii loo igmaday in uu ilaaliyo ayaa u sahlaya Dam Jadiid.

Halkaan ka dhagayso


Puntlandes.com

About The Author