Dhagayso: Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay wada hadalada u socday Itoobiya & Jabhadda ONLF

15 Feb 2018 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in dowladdu ay soo dhoweyneyso wada hadalada maalmahan uga socday magaalada Nairobi Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF.

49a

Wasiir Cawad ayaa sheegay in wada hadalo kasta oo u horseedaya gobolka nabad iyo xasilooni ay soo dhoweynayaan, ayna taageerayaan sida uu yiri.

Mudane Cawad oo la waydiiyey wadahalada ONLF iyo Itoobiya iyo sida uu u arko maadaama ay DFS horay ugu aqoonsatay ONLF inay AGAGIXISO tahay ayaa yiri “Annaga waxaan u arkeynaa Wadahadal kasta oo Nabad, Xasilooni iyo Wanaag u keenaya Gobolka ama dal ka mid ah dal ka mid ah gobolka, faa’iidana u leh waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa”


Shir Golaha wasaaradda Soomaaliya ayaa oo ay kaga jawaabayeen sanadkii hore u gacan gelisay dowladda Itoobiya ay DFS u gacan gelisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ONLF, ayey waxay ONLF ugu aqoonsatay AGAGIXISO wax u dhimaysa xasiloonida gobolka,  waxaana tallaabadaas Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay inay aheyd mid sharci darro ah dhawaana waxaa taageeray madaxweynaha JFS mudane Maxamed cabdulaahi farmaajo.

Puntlandes.com

About The Author