Maxamuud Siraaji oo ku guuleystay kursigii Xildhibaanimo ee Kismaayo

15 Feb 2018 (Puntlandes)Maxamuud C/llaahi Siraaji ayaa ku guuleystay Kursigii Xildhibaannimo ee Beesha Hubeer, kaasoo doorashadiisa ka dhacday magaalada Kismaayo.

13

Kursigan ayaa waxaa horay uga geeriyooday Cabaas Siraaji oo sanadkii hore lagu dilay magaalada Muqdisho, kaasoo walaal la ahaa Musharaxa ku guuleystay doorashada kursiga maanta.

Maxamuud Siraaji ayaa helay 50 cod, taasoo si aqlabiyad leh ugu guuleystay Kursigii uu baneeyay walaalkiis, isagoo ka mid noqonaya dhalinyarada ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka.

Puntlandes.com

About The Author