Xog: Maxadweyne Xasan oo dib boorka uga jafay Ololihii Boobka Gobolka Mudug

Wafdi uu hogaaminayo Sii hayaha xilka Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada DFS isla markaana ah nin awood ku leh Urur Diineedka Dam Jadiid Mahad Mohamed Salad ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo, Jen. Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasoo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho.

Mahad Mohamed Salad waxaa lagu xusuustaa markii la saxiixay Heshiiskii Dawlada Puntland iyo DFS 14 okt 2014 kaasoo uu u saxiixay DFS Raysul Wasaarihii la eryey in uu Tv yada Soomaalida ka sheegay isagoo jooga Guriceel in isagu uu balanqaadayo Beeshiisa in aan la kala jari karin Gobolka Mudug. Hada balantii koowaad waa uu ka dhabeeyey oo waa uu soo cayriyey RW tii labaadna waa ku hawlan yahay. Jen. Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle iyo Xuseen Cali Wehliye Cirfo waxaa lagu xusuustaa waxay ka gaysteen Jubbada Hoose iyo Shabeelaha Hoose.

Ugu dambayn waxaa madasha uga hadlay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) iyo Janaraal Maxamed Jimcaale Rooble Goobaale waxa ayna mahad celin ka dib Bulshada u sheegeen inay madaxweynaha ay salaan uga sidaan isla markaana gogol xaar ay u yihiin wufuud kale oo Gobolka soo gaari doonta.

Wafdigan ayaa waxaa loo soo diray in ay dedejiyaan dhisida maamulkii Madaxtooyada lagu saxiixay 30 ki july 2014 kaasoo si aan gabasho lahayn lagu damcay in lagu Boobo Gobolka Mudug ee Puntland iyagoo faafiyey in ay maamul u samaynayaan Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Akhriste ogow Gobolka Mudug qaybtiisa waqooyi waxay wax ka dhisatay ka tirsan tahay dawlada Puntland mudo 16 sano ah.

Waxyaalaha aadka loogu xusuusto Heshiis ku sheegaas waxaa ka mid ah erayadii uu CabdiQaybdiid u isticmaalay reer Puntland ee ahaa ”Fad ama ha Fadin waa la idin Fadsiin” Waxaad moodaa markii Raysul Wasaaraha meesha ay ka saareen in ay hada meel cidlo ah u taalo Xaajadu oo cid ka horjoogsandoontaa aysanba jirin.

Madaxweynihii loo igmaday in uu Difaaco Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,  uuba rabo uu Hadyad u bixiyo Gobolka uuba ka soo jeedo isagoo mar kasta isku daya in uu qanciyo waxa ay doonayaan Qolyaha Xamar ama haddii aan si kale u dhigo qabiilka Hawiyaha.

 

Halkan ka akhri kana dhagayso madaxweyne Xasan oo aan qarsanayn i uu dib boorka uga jafay maamul u samayntii Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Wixii war ah ee ku soo kordha boobka Gobolka Mudug kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

..

 

About The Author