HADALOOW NINA SI KUU YIRI NINA SI KUU QAADAY!!
Horaa Soomaalidu u tiri ”hadal waa margi hadbana meeshii loo jiido ayuu adaa”, waxay kaloo Soomaalidu tiraahdaa ”SARAR NINKA WANAAGEEDA RABAANA DHANKA HILIBKU UGA YAAL AYUU KA FIIRIYAA, NINKA XUMAANTEEDA RABAANA DHANKA LAFAHU KA MUUQDAAN AYUU KJA FIIRSHAA!!
Madaxweynaha dawladda Puntland mudane Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay kasoo noqday shir Qarameedkii looga hadlayey Amniga Soomaaliya waxaana halkaasi kasoo baxay qodobo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed.
Markii uu madaxweyne Gaas kasoo degay Garoonka caalamaiga ah ee Gen Maxamed Abshir waxaa sida caadada u ahayd uu la wadaagay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland hawshii uu ku maqnaa, waxyaalihii muhiimka ahaa ee lagu gorfeeyey iyo go’aamadii kasoo baxay guud ahaan, wuxuuna u mahadnaqay shacab iyo dawladba intii ka qayb qaadatay badbaadinta hantidii ummadda ee saanayd Doontii ku caarisay Bosaso.
Inataas dabadeed su’aalo la waydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa ”MADAXWEYNE WAXAA SUUQA LA ISLA DHEXMARAYEY OO LA ISWAYDIINAYEY ARIMAHA KA TAAGAN TUKARAQ EE PUNTLAND & SOMAILAND..” madaxweynuhu isagoo ula jeeda dadka warxuma tashiilka ah ee Makhaayadaha la fadhiya FADHI KU DIRIRKA iyo kuwa lagu ogyahay oo ku caan baxay Hagardaamada horumarka Puntland ayuu wuxuu ugu jawaabay ”Dastuurka Puntland ayaa faraya in dalka la difaaco… shacabka aad sheegayso warkiisa kuma shaqayno… (ISAGOO ULA JEEDA MADAXWEYNUHU kuwa ku Fadhi ku diriyada Makhaayadaha iyo wax iskuma falayaasha Beenta ku qora baraha Bulshada, sidaasna ku caan baxay), sida uu noo cadeeyey Madaxweyne Gaas xiriir aan la samaynay.
Madaxweyne Dr Gaas & Shacabka Puntland
Qof kasta oo wax garanaya waa uu fahmi karaa inaysan ka suuroobin madaxweynaha inuu yiraahdo Shacabkiisa aadka u fiican ee soo doortay warkooda kuma shaqeeyo, nin walbana warkiisa waa la yaqaanaa.
Waxaa marar badan uu ku celceliyaa madaxweynuhu oo halhays u ah WAXAANU KU SHAQAYNAYNAA RABITAANKA SHACABKA REER PUNTLAND IYO HORUMARKOODA.
WAR XUMOOW LAGU WAA, WAR XUMOOW LAGU WAA, WAR XUMOOW LAGU WAA
Puntlandes.com