Sawirro: Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday xarunta cusub Warbaahinta Qaranka ee Columbus Ohio

16 Feb 2018 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu booqday xarun cusub oo Columbus looga furay Telefishinka iyo Radiyaha Qaranka.

Booqashada Wasiirka ee xarunta ayaa waxaa ku wehliayay xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus, iyaga oo markii ay halkaasi gaareen kula kulmay qaar kamid ah howlwadeenada Warbaahinta ee dalka Mareykanka.

Wasiirku waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay howsha la qabtay iyo sida loogu dhiiraday in si is xilqaan leh loo hirgaliyay xaruntan oo ah meel la galiyay waqti iyo dadaal badan.

“Howshii ay Wasaaradda Warfaafintu qaban lahayd Wasaaradda arrimaha dibaduna idinku garab siin ahayd ayaad si mutadawacnima ah u qabateen, waana wax lagu faano” ayuu yiri Wasiirka oo intaa ku daray in Qaranka oo waqti iyo hantiba loo huro ay qayb ka noqonayso soo celinta jiritaankeenii, waxana uu uu tusaale u soo qaatay mudadii ay wadeen howsha safaaradda Soomaaliya ku leedahay Washington DC in sidan oo kale dad iskood isku abaabulay ay safaaradda u adeegayeen kuwaas oo ilaa iminka u adeega sida Wasiirku xaqiijiyay.

 

Daawo sawirrada
14

15

16

17

18
Puntlandes.com

About The Author