Daawo Video: Yaa ka qayb qaatay badbaadinta hantidii saarnay Doontii ku caarisay Xeebta Bosaso?
17 Feb 2018 (Puntlandes) Doontii ku caarisay Xeebta Bosaso ayaa waxaa lagu guulaystay in la bilaabo dajinta hantidii saarnayd, iyadoo ay ka qayb qaateen gurmad lagu badbaadinayey hantidaas Dawladda iyo shacabka Puntland oo isku tashanaya.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo iyo Gudoomiha guddiga badbaadinta hantidii saarnay Doontii ku caarisay Xeebta Bosaso Sheekh Fu’aad ayaa waxay soo bandhigeen sidii looga qayb qaatay shaqadii badbaadinta hantidaas.
Waxaa la qabtay shaqo aad u adag oo maalin iyo habeen la shaqaynayey taasoo socotay muddo 9 maalmood ah oo lagu xabaalay 316m oo Bad ah lagana sameeyey Deked macmal ah.
Kaalintii Dawladda Puntland
- 12 Gaadiidka Xamuulka ah
- 1 Cagaf
- Dawladda Hoose ee Bosaso 1 Cagaf
- Ciidanka PSF 1 Gaadiidka Xamuulka ah iyo 1 Cagaf
- Wasaaradda Dekedaha 400 dhagaxa SHUBKA oo loogu talagalay Dekedda Bosaso
- Wasaaradda Maaliyadda dawladda Puntland waxay bixisay SHIDAALKA Gaadiidka
- Wasaaradda caafimaadku waxay keentay Koox Caafimaadka ka shaqaynayey
- Wasaaradda Amniga waxay iyana sugaysay Amniga maalin iyo habeenba
Kaalintii Shirkadaha
- Shirkadda Hubaal 1 Gaadiidka Xamuulka ah iyo 1 Cagaf
- SOOLO 5 Gaadiidka Xamuulka ah
Dhanka kale waxaa shaqo aad u heersaray oo aysan seexan nasana qabtay Guddiga badbaadinta hantidii saarnay Doontaas.
Madaxda shirka jaraa’id qabtay oo uu ka mid ahaa wasiirka Dekedaha ayaa waxay sheegeen in marka culayska laga dhimo doonta ay ku xiran doonto dekedda Bosaso si dejinta halkaas loogu sii wado.
Baraha Bulshada
Maalmihii ay socotay shaqada dhisida dekedda macmalka ah ayaa Baraha Bulshada waxaa laga waday war been abuur ah oo lagu marin habaabinayey shacabka reer Puntland, kaasoo ah in aysan wax lug ah ku lahayn dawladda Puntland shaqada Badbaadinta ee socota iyadoo dayacday xilkii ay shacabku u dhiibteen.
WAR XUMOOW LAGU WAA, WAR XUMOOW LAGU WAA, WAR XUMOOW LAGU WAA
Puntlandes.com