Akhriso Taliyaha CXDS Gorog oo kasoo horjeestay in Xafiiska madaxweynuhu ogaado ama kala shaqeeyo arimaha CXDS & dib u dhiskooda
18 Feb 2018 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka (CXDS) Jen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa u diray Qoraal jawaab ah oo aan ku qornayn qaabka dawlanimo La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Cabdisaciid Muuse Cali, kaasoo horay ugu qoray Gorod warqad talo soo jeedin aheyn oo ku saabsanayn arrimaha CXDS iyo xafidida sirta Ciidanka.
La Taliyaha Amniga ayaa warqadiisa ku caddeeyey in aan hubka iyo rasaasta laga saari karin kaydka Hubka CXDS, inta laga hirgelinayo qaab lagu koontaroole Hubka iyo Saanadda kaasoo ah mid hufan.
Dhanka kale waxa uu La Taliyahu ku nuuxnuuxsaday warqadiisa in Gudi isku dhaf ah oo Gudoomiye u yahay ay go’aan ka gaari karaan qaabka lagu bixinayo lambarada cusub ee XCDS iyo biometric systemka.
Qoraalka ka soo baxday Taliye Gorod ee uu jawaabta ka dhigay ayaa ah mid digniin iyo hadalo kulkulul xambaarsan, kuwaas oo uu u jeediyey La Taliyaha Madaxweynaha ee dhanka arrimaha Amniga, isagoo lagu wargeliyay in aanu awood u laheyn inuu soo farageliyo arrimaha ciidamada, isla markaana ay tahay arrin gaar u ah Taliyaha Ciidamada.
Sidoo kale waxaa looga digay La Taliyaha in aanu warqad dambe usoo qori karin Taliyaha CXDS, iyadoo lagu wargeliyay in Ciidamada xoogga dalka ay toos u hoos-tagaan Taliyaha XCDS.
Qoraalkan hanjabaadda ah ayuu Gorod waxa uu ogeysiin u diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo sida cad uusan Gorod doonayn in Xafiiska madaxweynuhu ogaado ama kala shaqeeyo arimaha CXDS iyo dib u dhiskooda.
Soomaaliya ma laha hadda Ciidan isku dhaf ah oo Qaran, waxayna dawladda Farmaajo doonaysay inay ku dhiirato dib u dhiska CXDS, taasoo fure u ah soo celinta dawladnimada Soomaaliya waxaana muuqata in Taliye Gorod kasoo horjeeda shaqada Xafiiska madaxweynaha.
Akhriso Warqadii aan qaab dawladnimo loo qorin ee Taliye Gorod u diray La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya
Akhriso warqadii uu horay u qoray La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya
Puntlandes.com