Degmooyin hor leh oo lagu daray Barnaamijka hormarinka Degmooyinka ee JPLG

Gaalkacyo (Pes) Waxaa sanadka 2015 ka fursad u loo siiyey in ay ka faa’iidaystaan Barnaamihka hormarinta degmooyinka ee la yiraahdo JPLG sadex degmo oo ka kala tirsan Gobaladda Bari, Nugaal iyo Mudug. Waxaa xusid mudan in labo ka mid ah sadexdaas degmo ay beesha madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ay degto.
Degmooyinka ayaa kala Qandala oo ka tirsan Gobalka Bari, Burtinle oo ka tiran Gobalka Nugaal iyo Galdogob oo ka tirsan Gobalka Mudug.

Barnaamijkan ayaa waxa lasoo bilaabay afar sano ka hor, wuxuna si toos ah uga shaqeeyaa degmooyinka mid ah Bosaso,Bayla,Qardho iyo Caasumadda Garowe, waxaase si muuqda uga faa’iidaystay Bosaso iyo Garowe.

Dhaqaalaha ku baxaya waxaa iska kaashada Dowladdaha hoose,dowladda dhexe iyo Hay’addo ka mid ah kuwa Qaramadda Midoobay.

Ma sanaa Cadaaladii uu Kursiga ku yimid Dr Gaas? Gobolka Mudug uma baahna Cad Cadaalad daro lagu keenay ee wuxuu u baahan yahay maamul Cadaalad loo qaybsaday si Hawl karnimo iyo Cadaalad ahna Xilkiisa u Guta.

Puntlandes.com

About The Author