Madaxweynaha Somaliland oo IGAD ka diiday i nuu ka baxo Tukaraq

18 Feb 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xafiiska ku qaabiley wefti ka socda urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee Ururkaasi u qaabilsan Soomaaliya Amb. Maxamed Guyo oo uu wehelinaayey Cabdulkarim Maxamed oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee IGAD.

28a

Waxaa kulanka diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada gaar ahaan waxay wafdigu kala hadleen Muuse Biixi Colaada ka aloosan Tukarag oo ay Ciidanka Somaliland qabsadeen 08dii jan 2018, iyagoo ka dalbay inuu Ciidankiisa kala soo baxo.

Madaxweynaha ayaa weftiga IGAD u caddeeyey in Somaliland aanay marnaba duulimaad ku ahayn dal kale, hadday cidi joogto dhul aanay lahayna ay Soomaaliya ku jirto 70-Km oo Somaliland leedahay.

 

Puntlandes.com

About The Author