Wasaaradda Gaadiidka oo soo saartay Sharci cusub oo baaburta loogu samaynayo Taargo aan xad lahayn
18 Feb 2018 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay sharci cusub oo Wasaaradu kasoo saartay sumadda Gaadiidka ama Taargada.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka xukumadda Soomaaliya oo ka duulaysa Amniga Dalka ay sharci kasoo saartay Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan wuxuuna yiri isagoo faahfaahinaya xeerka ”Waxaan Samaynay Xeer ka kooban mid cusub iyo mid aan ka soo qaadannay xeerarkii hore”
Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in ganacsatada gaadiidka ay la tashi badan la samaysay wasaaradda, waxyaabaha ay ka cabanayaan waxaa ka mid ah in baabuurta ay dibadda ka keenaan marka ay in muddo garaash ku jiraan xilliga laga iibsanayo ay la mid noqdaan gaari mar hore waddanka la keenay, iyadoo lagu salaynayo taargada, sidaa darteed waxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada samaysay taargooyin ganacsi oo gawaarida la siinayo inta laga iibsanayo, marka qof shaqsi ah ama shirkad iibsatana waxaa la siinayaa taargooyin cusub oo rasmi ah.
Oomaa ayaa caddeeyey in xeerkaan cusub uu ka mid yahay qodob cadaynaya in qofka shaqsiga marka uu gaariga iska iibinayo ay waajib ku tahay in uu taargada dib u soo celiyo, si looga hor tago in gaari loo adeegsaday xaalad aamin darro aan loogu qabsan qof muddo dheer ka hor iska iibiyay.
Xeerka cusub ee ay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada xukumadda Federaalka Soomaaliyeed soo saartay ayaa ah mid Gaadiidka dalka loogu samaynayo Taargo aan xadidnayn oo aan laga fiirsan in xataa tiradu ay xadka ka baxdo iyadoo Gaari kasta uu yeelanayo Taargo badan oo ku xiran inta qof ee gadata Gaarigaas.
Puntlandes.com