Musharax Gaas wixii uu Hor istaagay ma in laga yeelaa Maanta?

Gaalkacyo (Pes) Dawladii ka horaysay dawlada uu Hogaamiyo Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo madaxda ka ahaa Dr Faroole ayaa waxay isku dayday in ay ka dhaqan geliso Puntland nidaamka Xisboyada badan laakiin waxaa ishortaagay Rag quuldaraynayey Kursiga madaxtinimada Puntland ragaas waxaa horseed u ahaa madaxweynaha hada talada haya Dr Gaas.

Ragaasi waxay isku dareen Qaylo, Sawaxan, Habaas kicin, meel ka dhac loo gaystay shacabka reer Puntland iyadoo la yiri maba Codayn karaan, mana yaqaaniin ugu markii intaas oo dhan laga maqli waayey ayey Qoryaha Gurteen iyadoo dhiig la daadiyey lana gubay Sanaadiiqdii.

Waxyaalaha Kooxdii uu Dr Gaas hogaaminayey ay ku doodayeen waxaa ka mid ahaa in aysan Doorasho dhici karin sababaha soo socda awgood:

  1. Dalkii barbaa maqa oo Soamliland haysataa
  2. Lama Tirokoobin dadka reer Puntland
  3. ID kaar lama bixin oo Puntlandeska ah lama yaqaan
  4. Maxkamad Dastuuri ah

Waxaa iswaydiin mudan maanta oo taariikhdu tahay 09 dec 2014 waxaa Baarlamaanka Puntland ansixiyey Xeerka Gudiga KMG ee Doorashooyinka Puntland. Hadaynu wax yar ka niraahno Sharuudihii ay ku xireen Doorashada Kooxdii uu Gaas hogaaminayey.

337

  1. Intii Somaliland ay haysatay in kale ayey ugu dareen wax ay Xoreeyaan iska daaye
  2. Tirokoob cid hadal haysaa haba sheegin
  3. ID kaar warkiiba daa
  4. Maxkamad Dastuuri ahayd oo uu balanqaaday Dr Gaas in uu ku soo dhisayo sadex bilood wali Fanoole fari kama qodna, mana la samayn Maxkamadaas

Oo maxay damceen nimanku? Ma waysan ogayn wixii ay sameeyeen? Waxaaba taas kasii xun Oday Xaad, Xasan Diiriye, Cabdiqaybdiid iyo Xasan Shiikh in ay doonayaan in ay qalin ku boobaan Gobolka Mudug Gaas oo indhihiisu shan yihiin.

Puntlandes.com

About The Author