Taliyaasha Booliska,Nabad Sugidda iyo Asluubta oo la magacaabay
19 Feb 2018 (Puntlandes) Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeehsey kulan deg deg ah ayaa waxaa ay soo magacaabeen taliyaasha cusub ee Booliska,Nabadsugidda iyo Asluubta.
Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlaya arrimo badan oo horyaal xukuumadda,waxaana kamid ahaa magacaabista:
- Taliyaha Booliska oo loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed
- Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen
- Taliyaha Asluubta loo magacaabay S/guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)
Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cusmaan ayaa horay u soo noqday Wasiir kuxigeenka Caafimaadka, waxaa uu ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle
Taliyaha Asluubta loo magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayey Beesha Madhibaan
Bashiir Cabdi Maxamed ayaa horay u ahaa Taliye kuxigeenka Booliska, isagoo haatan u dalacay xilka Taliyaha Booliska.
Magacaabista Taliyaasha Nabad sugidda iyo Booliska ayaa in muddo ah la sugayay,kadib markii xilalkii horey looga qaaday taliyaashaasi,sidoo kale waxaa la magacaabay taliyaha ciidanka Asluubta ah.
Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga guud ee Dalka.
Puntlandes.com