Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay G/sare dilay Taliye kuxigeenkii Ciidamada Badda
20 Feb 2018 (Puntlandes) Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa dil iyo darajo qaadis isugu dartay Sarkaalkii dilay Taliye kuxigeenkii Ciidamada Badda Saciid Mariino, waxaanaa dhageysiga kiiska dilka uu bilowday todobaadkii hore iyadoo ay Maxkamaddu soo gabagabeysay maanta oo Talaado ah.
G/sare Cabdinaasir Xoosh ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kaddib markii uu dil bareer ah u geystay Taliyihiisa, xilli ay ku wada sugnaayeen xafiis ku yaalla Dekeda Muqdisho 18-kii bishii hore.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Col. Xasan Nuur Cali Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ku riday gacan ku dhiigalaha dilka geystay oo ka mid ahaa Ciidamada Badda.
Puntlandes.com