Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magacaabay Madaxa Isku xirka Deeqaha
21 Feb 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Madaxa Unuga Isku xirka Deeqaha dalka, kaasoo loo magacaabay Muxumed Xuseen Axmed oo ah nin aqoonyahan ah.
Axmed Ceynte oo xilkan hayay ayaa laga qaaday, kaasoo ay horay u magacawday dowladdii hore ee Xasan Sheekh xilkan u magacawday, kaasoo horay uga soo shaqeeyay howlihii New Dealka.
Unuga Isku Xirka Deeqaha (aid coordination unit- Acu) waxay u taagantahay taaba gellinta iyo socodsiinta hanaanka fullinta qorshahha qarranka , isku xirka deeqa iyo taaba gellinta hanaan ay kuwada hadlaan Soomaalida iyo deeq bixiya yaasha.
Hey’addan waxay Soomaaliya ka caawisaa hanaanka qorshaha qaranka taageero farsamo sida Arrimaha xog ururinta iyo loojistikada, waxay qaban qaabisaa shirar kala duwan ee qorshaha qaran lagu taaba geliyo., sida
1- Hanaanka Wadaaga ee Somalia ( Somalia Partnership Forum)
2- Sanduuqa Dib u diska Somalia ( SDRF)
3- Shirarka Tiirarka (Pillars)
waxay kaloo dawladda Soomaaliya ka caawisaa
- Isku xirka hay’adda dawladda iyo gobollada
- Daba galka Dhaqdhaqaha Deeqaha ( aid mapping Exercise)
- Taaba Galnimada Deeqah ( aid Effectivness)
Uga dambeyn Unugan Isku Xirka Deeqaha ayaa Sidoo kale Dawladda waxuu ka caawiya isku xirka hay’adda dawladda & Gobolada iyo Daba galka Dhaqdhaqaha Deeqaha ( aid mapping Exercise)
Puntlandes.com