Taliyaha cusub ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo xilka la wareegay

21 Feb 2018 (Puntlandes) Taliyaha cusub ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta xilka kula wareegay munaasabad ka dhacday xarunta NISA.

Kusimaha Taliyaha Nabadsugida ahna Taliye kuxigeenka C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo xilkan sii hayay ku dhowaad afar bilood ayaa xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiir kuxigeenka iyo Saraakiisha Hoggaanada Nabadsugida Qaranka ayaa ka qeyb galay munaasabadda kooban ee xil wareejinta.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Isniintii la soo dhaafay u magacaabay xilka Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cusmaan Xuseen, kaddib muddo ku dhow afar bilood oo ay Taliye la’aan aheyd Nabadsugida.

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa ku cusub xilkan, waxaana sugaya howlo adag oo looga baahan yahay sida uu u wajo, waxaa dadka qaar ay sheegaan in khibrad aan sidaa u sii buurneyn u laheyn xilkan, marka laga reebo inuu sanadkii 1982 uu mar ka mid ahaa Qeybta Sirdoonka ee Milateriga Soomaaliya.

Daawo sawirrada

FB_IMG_1519226019313

FB_IMG_1519226013606

FB_IMG_1519226024209
35a8

36a1
Puntlandes.com

About The Author