Sawirro: Madaxweyanaha DDSI oo cafis u fidiyay in Kabadan 1500 oo Maxaabiis

21 Feb 2018 (Puntlandes) Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa cafis u fidiyay oo Xabsiga ka sii daayey in ka badan 1500 maxaabiis oo dhaqancelin ugu jirtay xarunta dhexe ee dhaqan toosinta DDSI, kuwaas oo isugu jiray nabadiid iyo kuwo galay danbiyo kaladuwan.

Cafintan ayaa timid kadib markuu gudiga cafiska heer deegaan xaqiijiyay inay saxmeen islamarkaana uu gudigu hordhigay madaxwaynaha DDSI, kadibna uu qalinka ugu duugay.

Dhinaca kale maxaabiista heer federal kuxidhan waxay isugu jiraan laba qaybood:

  1. Maxaabiis ay maxkamadaha heer deegaan xukumeen oo la geeyay heer federal, cafiskooduna uu kuxiran yahay gudiga cafiska heer deegaan. 
  2. Maxaabiis ay maxkamadaha federaalku xumukeen oo ku xiran heer federaal.

Xukuumada deegaanku ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa waxay ka codsatay heer federaal in maadaama oo maxaabiistii qowmiyadaha kale ee ka dambi badnaa kuwa soomaalida la siidaayay, sidoo kalena in maxaabiista soomaalida ah la siidaayo dambi kasta oo ay u xiran yihiin.

Talaabadan ay qaaday DDSI ayaa ah tallaabo aad u wanaagsan oo ay qaadeen Guddiga Cafiska heer deegaan iyo Madaxweyne Abdi Mohamoud Omar oo qallinka ku duugay, waana geesinimo ay muujiyeen.

36a2

36a3

Puntlandes.com

About The Author