Shirkadda flydubai oo ku dhawaaqdey Afar duulimaad oo cusub Todobaadkii Hargeysa, Somaliland
Shirkadda flydubai ayaa sheegtey in ay duulimaadkeeda ballaarisey isla markaana meelaha cusub oo lagu daray ay ka mid tahay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, Sidoo kale dalalka ay ku soo siyaadisey waxaa ka mid ah Sucuuudiga iyo Hindiya.
Warka ka soo baxay FlyDubai ayaa lagu sheegey in afarta bilood ee u horeysa sanadka 2015 ay bilaaban doonaan duulimaadka Hargeysa, waxaana todobaadkii ay tegi doontaa afar jeer laga bilaabo 05 Maarso 2015.
Asago ka hadlaya ogaysiiska cusub, Ghaith Al Ghaith, Sarakiilka Ganacsiga Guud diyaaradda flydubai, ayuu yiri: “Sannadka 2014 waa sannadka ugu mashqulsan flydubai. Waxaan ku dhawaaqnay 26 duulimaad cusub laga bilaabo Jannaayo waxaan qadaanay siddeed diyaaradood oo cusub si loo taageero qorshahan aan caadiga ahayn. Waxaan aad ugu faraxsanahay fursadaha aan horay loga fa’iidaysanin suuqa Afrikada soo kacaya sida Hargeisa.”
Duulimaadyada cusub oo lagu dhawaqay waxay muujinaysa go’aanka flydubai in ay UAE u xiriiriso suuqa aan horay lagu hawlgeli jirin. Duulimaadki waxay Dubai isku xirtay ilaa 56 goobood aan aad logu hawlgeli jirin intii ay hawlgalkeeda bilaatay sannadka 2009.
Sudhir Sreedharan, Madax ku xigeenka sare Commercial (GCC, Subcontinent, Africa) ee flydubai, ayaa yiri: “Waxaan naga go’aan in aan adeegyada flydubai oo laysku halayn karo oo tayo sare leh in aan u keeno suuqyada aan aad logu hawlgelin sida Hargeisa iyo in aan rakaabka siino fursadaha ay UAE ku imaan lahayeen iyo wixii ka baxsan ayago loo marinaya maranka duulimaadka Dubai. Wan hubaa in labada heer oo kala ah Economy Class iyo Business Class in ay ka sara maari doonta waxay rakaabka filanayan iyo in aan ku socono astaanta Dubai taasi oo aan ku hanwayn ahay in aan magaceena ku qadno.”
Si kastaba ha ahaatee duulimaadka shirkadda flydubai ay ku tegi doonto Hargeysa ayaa noqon doona mid aad loo soo dhaweeyo sidoo kale waxay albaabka u fureysaa in lagu tartamo suuqyada ganacsiga duulimaadka oo muddooyinkan qiimayaasha tigidhadu cirka isku shareereen iyada oo ayba adagtahay in la helo xilliyada xagaaga. Diyaaradaha ay isla leeyihiin shirkadaha Soomaalidu saamiga ku leedahay ayaa noqdey kuwo aan si weyn la isugu halayn karin.
Shirkadda flydubai waxaa la asaasey sanadkii 2008 waxaa asaasey xukuumadda Dubai, waxa ay tagtaa in ka badan 83 garoon.
flydubai waxay leedahay 43 diyaaraadood nooca cusub loo yaqaan Next-Generation Boeing 737-800 waxayna ku hawlgasha in ka badan 1,200 duulimaad asbuuciba wadamadda Barigga Dhexe (Middle East), GCC, Afrika, Caucasus, Aasiya Dhexe (Central Asia), Yurub (Europe) iyo Bartamaha Indian.
Garoonka Hargeysa waxaa dib loo dhisey sanadkii 2012, diyaaradda keliya ee caalami ah ee horey u tegi jirtey ayaa ahayd Ethiopian Airlines, Wasiirka Hawlaha Guud ayaa bilowgii sanadkii 2013 sheegey in xagaaga 2013 diyaaradaha imaan doona Cigaal International Airport ay ka mid yihiin flydubai iyo Kenya Airways, waxaana muuqata in muddo laba sano ah ay dib u dhacdey ballanqaadkii Wasiirka.
Faahfaahinta Duulimaadka Hargeisa:
flydubai waxaay ku hawlgali doonta afar duulimaad asbuuciba u dhexeeya Hargeisa ilaa Dubai laga bilaabo 05 Maarso 2015.
Qiimaha tikidhadha
Qiimaha tikidhka heerka duulimaadka loo yaqaan Economy Class ka baxaysa Hargeisa waxaa lagu bilaawaya USD575 oo lagu ogoolyahay 20 kiilo alaab la huubiyay, meeshi ay qiimaha tikidhka heerka duulimaadka loo yaqaan Business Class waxaa lagu bilaawaya USD1,900 taas oo kujirta dhamman canshuuraha iyo alaab 40 kiilo ah oo lagu ogoolyahay.
flydubai waxaay bixinaysa tikidhada ugu horreysa ee heerka duulimaadka loo yaqaan Economy Class oo ah USD549 taasi oo dhaqan galaysa intii u dhexeeysa 10 Desembar 2015 ilaa 10 Jannaayo 2015
Puntlandes.com