Sawiro: Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax “Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October” Qaybtii 1aad

 

Akhristayaasha Sharafta mudan ee ku xiran warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com waxaan idiin soo gubinaynaa Warbixin aad iyo aad u qiimo badan taasoo ku saabsan Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax, Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October. Qof kasta oo wanaag iyo Horumar jecel wax buu ka baran karaa Mashruucan wuxuuna Astaan u yahay Bulsho isku tashatay in ay waxay rabaan gaari karaan. Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu ku dhawaaqay “waa in Puntland isku Tashataa”  Iskutashigaasi waa kaas maanta Heerkaas gaarsiiyey Mashruucan. Intii ka shaqaysay iyo intii ka qaybqaadatayna Allah ajar ha ka siiyo.

 10113

Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October

Masharuuca Horumarinta Bulshadu waa mashruuc ka shaqeeya baahiyaha asaasiga ah ee bulshada sida cafimaadka,waxbarashada,biyaha,nabadaynta,deegaamaynta iyo waliba wacyi galinta bulshada.

Mashruuca waxaa la asaasay 2001,waxaana asaasay dad u dhashay deeganka Bursaalax oo maan iyo muruqba mideeyay kuwaas oo isugu jira diaspora iyo dadka gudaha dalka jooga.

Mashruuca waxaa dhigata arday gaaraysa 1500 (kun iyo shan boqol) oo arday,wuxuuna biyo siiyaa guryo gaaraya 1000 (kun guri),waxaa kale oo cafimaadka Isbitaalka mashruuca ka faa’idaysta dadka deegaanka iyo waliba dad ka yimaada deegaanka ismaamulka soomalida Ethiopia,mashruucu wuxuu hayaa arday 240 oo ah boarding.

 

         Warbixintii September iyo October Ee Dugsiga Sare Burar

 

Labadii bilood ee la soo dhaafay Dugsiga Sare waxaa laga qabtay wax qabadyo farabadan sida:

Nadaafadda dugsiga

Ardada Dugsiga Sare oo kaashanaya maamulka iyo macalimiimta waxay kaalin fiican ka gaysteen nadaafada dugsiga ayagoona  markastaba utaagan wax qabadka dugsiga  iyo dhamaan mashruuca oo dhan wixii looga baahdo diyaarna u ah in ay dadkooda iyo deegaankooda wax badan ka badalaan.

10117 10118

Sida aad ka arki kartaan labada jaantus ee kor kuxusan ardaydu waxay go aan ku gaartay sida bursaalax unoqotay goob waxbarashada ku tilmaaman gudaha Puntland iyo Soomaaliyaba in Deegaanka Bursaalax gaar ahaan goobaha waxbarshada laga dhigo meelo ku haboon  jawiga waxbarashadu ubaahantahay.

Dhiraynta Dugsiga

Ardada Dugsiga Sare, maamulka iyo macalimiintu sidoo kale waxay xil iska saareen dhiraynta dugsiga si deegaanka dugsigu u noqdo meel ka turjumaysa hiigsiga dadka jooga ,maxaa yeelay hadafka umadi leedahay waxaa laga  fiiriyaa deegaanka ay ku nooshahay sida uu yahay.

10120 10119

 

Iskaa wax u Qabso

Sida oo kale ardada ,maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare dhamaadkii bishii October waxay qaadeen tilaabadii ugu muhiimsanayd uguna adkayd taas oo ahayd  in ay si iskaa wax uqabso ah ku dhiseen darbi lagu wareejinayey dugsiga sare kaa soo lagu qaymeeyey lacagta ku baxaysa ugu yaraan $2500.

Hadaan faahfin yar ka bixiyo baahida keentay darbigaan dhisidiisa waxay ahayd, dugsiga sare wuxuu ka koobnaa 6 qol kuwaa soo sanadadii hore ardada isaga filnaan jiray balse labadii sano oo ugu dambaysay waxaa si xad dhaaf ah u kordhayey ardada dugsiga sare ayadoo ay meesha ka baxday badalkii ardadu samayn jirtay taasina waxay keentay in 6 dii qol kafayn weydo ama ku filaan waydo baahidii ardada. Arintaasi markay timid maamulka dugsiga iyo Gudiga Waxbarashada Waalidiinta (CEC ) waxay codsi dag daga u direen Wasaaradda Waxbashada iyo Hay’adda Care ayagoo ka codsaday in sanadka 2014-2015 Dugsiga Sare u baahan yahay ugu yaraan 3 qol, hadaan la helina ay adkaan karto in la furo Dugsiga, codsigaas kadib waxaa suurta gashay allahna fududeeyey in Hay’adda Care oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada ay Dugsiga u dhiseen 3 qol ,2 Suuli iyo Rugsanta Gabdhaha oo wadata 4 Suuli.

Dhismahaas cusub markii la helay waxaa dhul ku filan laga waayey dayrkii hore oo ay  ka dhisnaayeen 6 da qol marka waxaa lagu khasbanaaday in dayrka banaankiisa laga dhiso.

Kadib fasaladii markii ladhisay waxaa adkaatay ilaalintoodii iyo ilaalintii qalabkii ladhigay iyo waliba wada shaqayntay lala haayeen fasaladii kale madaama ay banaanka ku yaalaan waxayna u baahdeen waardiye labaatan iyo afarsaac ah(24hours).

Kadib arintaasi markay dhacday waxaa maamulka ,macalimiinta iyo ardada dugsigu go’aaan sadeen fasaladaas gudaha in lasoo galiyo ayadoo shaqada in teeda badana lagu qabanayo Iskaa Wax u Qabso,sidaas baana darbigii lagu dhisay  hoosna waxaad ku arki  kartaa Sawiro muujinaya sidii shaqadaas adag loo wada qabtay Maamul ,Macalimiin iyo Arday.
10124

10123

10121

10122

10130

10129

10128

10127

10126

10125

1102

F.G Burhaan Faarax Yuusuf Bile iyo Mahad Nuur Birre waa labo fuundi oo reer Bursaalax ah kuwaa soo si iskaa wax uqabso ah noogala qayb qaatay dhismaha dayrka dugsiga waxaana leenahay ilaahay xoogooda iyo  xeeshoodaba ha ubarakeeyo aduun iyo aakhiroba.

Waxyaalaha kale oo muhiimka ah oo  Qabsoomay September iyo October

1-Waxaa kale oo qabsoomay labadii bilood oo ahaa September iyo October in Hay’adda Care e ay dugsiga ugu deeqday waxbarasho soconaysa sedex sano oo ah sagaal gabdhood oo kamida gabdhaha dugsigaas.

2-Waxaa sidoo kale Hay’adda Care  qabatay in qalabayn ku samaysay qolkii Rugsanta gabdhaha(girls friendly space) ayadoo u keentay dhamaan agabkii lagu isticmaalilahaa.

 

La soco Qaybta labaad oo aad u xiise badan

 

Waxaa diyaariyey Warbixinta Qotada dheer: Maamulaha Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax

Cabdirashiid Faarax Xaaji-warsame

 

Daabacaaada: Puntlandes.com

 

About The Author