Madaxweynaha Dawladda Puntland Ayaa Waxa uu Kala Diray Golaha Deegaanka Degmad Bosaso
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01 March 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Xeer Madaxweyne Lr. 31March 01, 2018, kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu tixgaliyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Marky caddaatay: inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-Qabqabsi .
Wuxuu xeeriyey.
- Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
Puntlandes.com