Shirkadda DP WORLD oo shaaca ka qaaday in dowlada Ethiopia ay ku leedahay19% dekedda Berbera
01 Marso 2018 (Puntlandes) Shirkadda DP World ayaa war saxaafadeed ay soo saartay maanta waxay ku shaacisay in dowlada Ethiopia ay ku leedahay dekedda Berbera saami gaaraya 19%.
War Saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in saamiyada dekedda loo kala leeyahay sidatan:
- Shirkadda DP World waxay leedahay 51%
- Somaliland waxay leeyahay 30%
- Dowlada Ethiopia waxay leedahay 19%
Dowlada Ethiopia ayaa waxa lagu sheegay inay maalgelin ku sameyn doontaa wadooyinka gudaha dalkeeda waxaana dhismaha dekedda ay bilaaban doontaa dhamaadka sanadkan.
Heshiiska kama dambeynta ah ee dhismaha dekeda Berbera ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibada iyo xiriirka caalamka Dr Sacad Cali Shire halka dowlada Ethiopia uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Ethiopia Axmed Shide iyadoo shirkadda DP world uu u saxiixay Sultan Axmed Bin Salayman Madaxa Shirkadda DP World.
Heshiiska dekeda Berbera ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo dowlada Jabuuti ay ka laabatay heshiis ay shirkadda DP WORLD ku dhiseysay dekeda Dooraale ee dalkeeda.
Akhriso qaraal afka Ingiriiska ku qoran
Puntlandes.com