Alshabaab oo dagaal kula wareegay degmada Balcad
Alshabaab oo weerar lama filaan ah ku qaaday degmada Balcad ayey u suurto gashay inay la wareegaan.
Sida ay sheegayaan wararka Alshabaab ayaa labo jiho ka weeraray degmada Balcad, iyagoo u suura gashay ciidamadii ku sugnaa koontaroolka waqooyi ay ka saaraan, gudahana u galaan.
Alshabaab ayaa la wareegay xarunta degmada iyo saldhigga Booliska, halkaasoo ay ka sii daayeen Maxaabiis ku xirnaa.
Sidoo kale waxaa ay la wareegeen Idaacad FM ah oo madax banaan, taasoo mataan la aheyd Idaacada Fm-ka ee Jowhar.
Xaalada degmada ayaa kacsan, iyadoo laga maqlayo rasaas goos goos ah, dadkii ku sugnaa degmada ayaa isaga qaxay oo u cararay banaanka degmada.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa wali kala cadeyn, waxaana warar horu dhac ah oo aan heleyno ay sheegayaan in dad ku dhow tobaneeyo ruux ay ku dhinteen dagaalka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka Balcad uu ka horeeyay weerar dhaba gal ah oo lagu qaaday Kolonyo Ciidamada AMISOM oo ka baxay Balcad, kuna sii jeeda Jowhar, waxaana loo galay agagaarka Haanshiikh oo u dhow Gololey.
Dagaalamayaasha Shabaab ayaa la sheegay in kolonyada AMISOM ay khasaare u geysteen, waxaana ay ka gubeen dhowr gaari.
Waa markii u horeysay ee Alshabaab dagaal kula wareegaan degmada Balcad oo magaalada Muqdisho ka xigta dhanka waqooyi illaa 37 KM, Al-Shabaab ayaa horay looga saaray Balcad 7 sano ka hor.
Puntlandes.com