Dhageyso: Wasiirka maaliyada Puntland oo maanta barlamaanka horgeeyay miisaaniyada 2015 oo noqonaysa 72 milyan oo Doolar

Garoowe (Pes) Wasiirka maaliyada dowladda Puntland Shirre Xaaji Faarax ayaa maanta barlamaanka Puntland horgeeyay miisaaniyada 2015, taasoo maanta nuquladeeda loo qeybiyay xildhibaanada golaha wakiilada.

Miisaaniyadaan ay soo bandhigtay wasaaraddu ayaa sanadkaan dhan Sadexda bilood ee jan-marso  11 milyan iyo 69 kun oo Doolar halka ay noqonayso sagaalka bilood ee haray waa abriil –dec 60 milyan iyo 182 kun oo doolar isugayntoodu waa ku dhawaad 72 milyan oo doolar.

Waxyaalaha Miisaaniyadan ku cusub waxaa ka mid ah Bangiga Aduunka oo Kabaya misaaniyadan wuxuuna ku kabayaa aduun lacageed oo gaaraya 22 milyan iyo 995 kun oo doolar. Waxayna u qaybsan yihiin 18 miyan oo Bangigu ku kabayo Mushahaarka Shaaqala Rayidka, waxay u dhigantaa 2 milyan oo doolar  bishii oo bilaabanaysa Abriil. Wuxuu kaloo kabayaa Bangigu Dawlad wanaaga oo uu ku kabayo 2 milyan iyo 997 kun doolar, waxay na u  dhigantaa 333 kun oo doolar bishii oo bilaabanaysa Abriil. Wuxuu kaloo kabayaa Bangigu Habka dhaqaalaha Dawlada oo uu ku kabayo 1 milyan iyo 998 kun doolar, waxayna u dhigantaa 222 kun oo doolar bishii oo bilaabanaysa Abriil

Markii la isbar bar dhigo waxay korartay miisaaniyadu sadaxda bilood ee hore ku dhawaad 19% halka uu kororka wayna ka jiro 9 bilood ee dambe oo korortay 104% iyadoo sanadkan ahayd 29 milyan iyo 44 kun oo doolar halka ay noqonayso 2015 60 milyan iyo 182 kun oo doolar.

Falanqayn kala soco Puntlandes.com

Dhagayso wasiirka


Puntlandes.com

About The Author