Waxqabadka Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) Cabdi Maxamuud (Qaybtii 2aad)

Akhristayaal qoraalkii hore waxaan wax ka qoray xaga nabadgalyada Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ka hana qaaday.
Qoraalkan waxaan ku iftiminayaa horumarka laga gaaray  Biyaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, Horumarkaasoo ah mid si fiican uga hirgalay Degaanka waxaana Shaqadaas Amaanteeda iska leh Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar. Wuxuuna Gartay talaabada nabadgalyada ku xigtaahi in ay tahay Biyo in la helo.

1081

Biyuhu  waa furaha nolosha  amase noolaha hadii aysan Biyo jirin Nolol ma jirto  Biyuhu adigaa ku nool. Dadka, Duunyada iyo Ciida dhamaan waxay ku noolyihiin Biyaha sidaas daraadeed madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar markuu arkay baahida Biyihaya ayuu wuxuu awooda saray sidii Biyo dadkiisu u helilahaayeen. Helitaanka Biyaha wuxuu madaxweyne Cabdi ku saleeyey sadex qaybood, tan koowaade kuwa Roobka oo Degmo kasta loo sameeyeey Waro waawayn ama meelo biyaha lagu kaydiyo oo markii Roobku da’o looga faa’iideysto dadka iyo duunydaba. Tan labaade kuwa wabiyada oo loo sameeyey biyo xireeno waaway iyo ugu dambayntii kuwa dhulka hoostiisa ku jira oo uu soo saaray. Dhamaan degmooyinka waxa loo sameeyeey Degmo kasta ugu yaraan hal ceel iyo hal meel oo biyo qabad ah.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar hamigiisu waa hurumar in uu Degaanku gaaro, waxaana taas kuu cadaynaya hadaan dib u eegno madaxdii isaga uga horaysay Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ilaa dawladihii aan waxba u ogalayn Degaanka ee Xayle Salase, Xayle Maryam iyo wixii ka horeeyey ma aysan samayn in dadka Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya helaan biyo.

Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waa markii ugu hareeysay ee dhamaan ceel biyood laga sameeyo miyi iyo magaalo  dadka dagaanku marnaba kuma Riyoon jirin hurumarkaas Madaxweyne cabdi ka hor.

Halkan ka akhriso Qoraalkii hore

La soco qaybta kale

W/Q: Bashir Kililka shanaad

Daabacaad: Puntlandes.com

About The Author