Miisaaniyadda Puntland maxaa ka khaldan?

Waxaan aad iyo aad u qoslay mar aan maanta  dhegeysanayey, Wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Cali Faarax, markuu u soo bandhigayey Baarlamaanka Puntland,  wuxuu ugu yeeray miisaaniyada 2015 ee Puntland.

Akhristoow bal dib u jaleec erayadii Shire uu ka hor jeediyey isla Baarlamaanka Puntland, laba asbuuc ka hor.

Xiligaas oo uu u yimid Baarlamaanka, wax loogu yeeray la xisaabtanka Xukuumada. Isagoo xiligaas sharaxaya dhaqaalaha Puntland buu yiri ”maalintii ma soo xarooto 9000§, marka taas baan beekhaaminaynaa ee meesha wax yaala lama arko” Shire isaga oo doonaya in Baarlamaanku u garaabo buu yiri ” bal isku daya in aad maamushaan wax aan dhamayn 9 kun?”

Maalintaa meesha ayaa lagu kala tegey ileen waxa loogu yeeray la xisaabtanka Xuukumadu awalba malahayn ficil celis iyo waxa la fallayo hadii  lagu qanci waayo jawaabaha ama soo bandhiga xukuumada hadii ayba jirtey cabir lagu fiiriyo in ay guteen waajibkii  laga rabey iyo in kale.

Bal akhristoow muxuu kaga duwanaa, fadhigaasu ” la xisaabtanka Xukuumadu” Fadhiyada maqaaxiyaha iyo sheekooyinka fadhi ku dirirka ah? Halkan ka akhriso faahfaahim ama halkan ka daawo

Arrini si kasta ha ahaatee, waxaa maanta dhacday arinkale oo ila qosol ah. Wasiirka Maaliyadu wuxuu soo bandhigay wax uu ugu yeeray Miisaaniyadda 2015 oo sida Puntlandes hore u sharaxday uu ka muuqdo koror sadixda bilood ee hore ku dhawaad 19% halka uu kororka wayni ka jiro 9ka bilood ee dambe oo korortay 104%  , halkan ka akhriso warbixintii Puntlandes.com

Akhristoow arrintaasi ma dhabaa, misse waa marin habaabis ay caadaysteen Dr Gaas iyo kooxdiisu in ay ku marin habaabiyaan Baarlamaanka Puntland oo iyagu u nugul, una jajaban, marin habaabinta iyo hadalada ku salaysan is xayaysiin aan wax qabad lahayn ee ah uun, sanada soo socota barwaaqaan u horseedaynaa Puntland.

Miisaaniyad cabirkeedu waa wax muuqda oo aan la marin habaabin karin. Cabirkaasu waa sida laagu dhaqmay tii sanadii ka horaysey iyo ogaanshaha inta uu dhamaa, dakhliga dhabta  ah oo soo xarooday sanadkaa tagey. Xukuumadaha ku camal fala sharciga, oo og in wax kala xisaabtamaya joogaan meesha. Waa raacaan miisaaniyada oo hadii dakhligu ka hoos maro ku tala galka ”deficit” waxay qaataan deyn si ay u buuxiyaan is dhinka, hadii uu ka sara marana ”buget surplus” waa dhigaan si ay ugu kordhiyaan kan sanadka danbe.

Sida meesha ka muuqata waxaan lasamayn xisaab celintii sanadkii lasoo dhaafay. Shaqaaluhu waa mushaar la yihiin mudo 4 bilood ka badan. Waxay ahayd usbuuc ka hor markay ciidamada Tukaraq gadoodeen mushaar la aan awgeed.

Iyadoo taasi jirto bay hadana waxay caadaysteen Dr Gaas iyo Kooxdiisu in ay Baarlamaanka, iyo meel kastoo ay yimaadaan in ay yiraahdaan, barwaaqaa soo socota. Waxaa taas ka sii daran xishood la aanta ay inta shaqo dawladii hore qabatay xaflad ku qabsadaan yiraahdaan soo idiinma sheegin in aan barwaaqo idin gaarsiindoonno. Taa waxaa kasii daran kuwa iska dhagaysanaya, oo u sacab tumaya.

Waxaa kamid ah markii uu Cabdiwali Gaas dhagax dhigayey dhismaha Garoonka Boosaaso oo uu dadkii meesha isugu yimid waydiiyey. ”soo idiinma sheegin in 8 bilood gudohood aan hirgalinayno hal garoon, 18 bilood gudahoodna laba Garoon, 2 sano gudohoodna sadex Garoon” markaas bay sidii wax sixran haa wada yiraahdee. Qosol, yaab iyo amakaag,

Soo ma oga in iyadoo Tenderku uu dhamaad yahay uu isagu  meesha yimid. Soo ma oga in Garoonka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir dawladii Faroole ku dhawaaqday oo xataa idaacadaha oo dhan laga dhegeystay. Wuxuuba u muuqdaa in uu lahadlayo dad cusub oo hada soo dhashay. Saa iyana waxay u muuqdaan qaar hadda uun soo baraarugay oo wixii hore u socdayba aan war kahayn.

Horta bal inteena aan masuuliyada hayni haba la yaabeen oo ha iska aamuseene, Baarlamaanka Puntland ma hooriye yaal baa.

Oo nimanku sida aan u wada aragno waxa meesha ka socda bay iyana u arkaane, hadalada beenta ah ma ducay u qabaan. Soo kuwaan inta waxaa arkay oo dhagaystay hadana ugu daray  in ay surtaan Baarlamaankii Puntland maradii uu Dr Gaas isku xayaysiinayey oo uu meesha Beenta ah farta  ku taagayey. Iyadoo la og yahay in uu wax qabadkiisii noqday biliqaysiga hawl dadkale ku dhidideen.

 195

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author