RW Khayre oo Mooshin laga wado, kii Jawaari oo wali taagan & Gudoonka Golaha Shacabka oo labo u kala qaybsamay
15 Marso 2018 (Puntlandes) Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qoristiisu ka ka bilowday magaalada Muqdisho, iyadoo ay diyaar garowgiisa ay wadaan Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari iyo kuwo kasoo horjeeda Khayre.
Mooshinkii laga keenay Jawaari ee Guddiga Joogtada buriyeen ayaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad ku dhawaaqay inuu ahaa mid sharci ah.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee horay u dhaliilsanaa Xukuumadda ayaa ku tilmaamay Mooshinka Jawaari inuu yahay mid boor isku qaris ah oo ay Xukuumadda ku dooneyso inay ku jahwareeriso howlaha Baarlamaanka iyo la xisaabtanka Xukuumadda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in kulamo aan loo kala kicin xalay ka jiray magaalada, iyadoo magaalada aan laga seexan, waxaana xaalada u muuqataa mid faraha ka sii baxeysa.
Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga keenay Jawaari ayaa saameyn ku yeelatay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Agaasimaha Madatooyadda Fahad Yaasiin oo ololaha ugu xooggan ee ka dhan ah Jawaari uu ka socdo.
Dhanka kale Guddoonka Baarlamaanka ayaa labo u kala qaysamay iyadoo ay dhinac noqdeen Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye kuxigeenka Labaad Mahad Cawad, halka Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey uu dhinac kale yahay.
Lama oga halka ay xaalada ku dambeyn doonto, waxaase muuqata in xaalad fowdo iyo qalalaase uu galo Golaha Shacabka, taasoo laga yaabo inay saameyn ku yeelato Kulamadii Baarlamaanka.
Puntlandes.com