Xildhibaanada Aqalka Sare oo qarka u saaran inay diidaan Xeerkii Golaha Shacabka ee ka dhanka ahaa DP World

????????????????????????????????????

15 Marso 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku kala qeybsan xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World, kaasoo labo maalin ka hor ay meel mariyeen Golaha Shacabka.

????????????????????????????????????

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ka soo horjeestay xeerkan iyo qaabkii uu u meel mariyay Golaha Shacabka, waxaana muuqata in Aqalka Sare markii labaad uu meesha ka saarayo qaraar ka yimid Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada Aqalka sare ay qaarkood ku taliyeen in si aad ah looga fiirsado arrinta Imaaraadka Carabta, maadaama Ganacsato Soomaali ku sugan yihiin.

Aqalka Sare ayaa ku adkaatay inuu degdeg u meel mariyo Xeerkan oo maalintii labaad ay ka doodayaan, waxaana laga yaabaa inay diidaan oo ay dib ugu celiyaan Golaha Shacabka.

Puntlandes.com

About The Author