Sawirro: Kullan looga hadlayo dib u eegista Arrimaha dastuurka oo ka furmay Baydhab
15 Marso 2018 (Puntlandes) Kullankan oo looga hadlayo dib u eegista dastuurka oo socon doona mudo saddex maalin ah ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kullankan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mida Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Dastuurka Maamul Goboleedyada dalka,Wakiilo ka socday Hay’adda Wadahadalka iyo dib u heshiisiinta ee CRD iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabada furitaanka shirka.
Ku simaha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Wasiirka Amniga Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo shirka furay ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo natiijada ka soo baxda shirka, Bulshadana ku qanci doonta.
C/llaahi Sheikh Xasan Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hadlay madasha ayaa sheegay iney shirka ku marti qaadeen cid kasta oo mas’uul ah iyo Ururada Bulshada rayid si su’aalo wax ku ool ah Arrimaha dastuurka looga weydiiyo Wasiirka Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo Wasiirada kale ee maamul Goboleedyada ka socda ee shirka qeyb galaya.
Sidoo kale,Wasiir C/llaahi Sheikh Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda dastuurka u baahan tahay talada dadka,dadkana ay u baahan yihiin iney ogaadaan waxay Wasaaradda ka shaqeyso.
Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in loo baahan yahay in dastuurka la gaarsiiyo dadka ku sugan degmooyinka,isagoona tilmaamay in haddii magaalooyinka keliya lagu hayo dad yar ay ka faa’ideysanayaan.
Wasiir Xoosh ayaa ujeedka shirka Baydhabo ku micneeyay in maadaama dastuurka uu yahay Heshiis bulsho la gaarsiiyo degmooyinka oo ay ku noolyihiin dadka ugu badan marka loo eego magaalooyinka.
Wasaaradda Arrimaha dastuurka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maal mahanba waxaa ay wadey Wada tashiyo ay la yeelaneyso cid waliba oo quseeysa hanaanka dib u eegista dastuurka Soomaaliya .
Puntlandes.com