BREAKING NEWS: AQALKA SARE OO SIDIISII KU ANSIXIYEY XEERKII GOLAHA SHACABKA EE HESHIISKA BERBERA

15 Marso 2018 (Puntlandes) Aqalka sare oo ay ka socotay ilaa shalay dooda Xeerkii ay Xildhibaannada Golaha Shacabka soo ansixiyeen kaasoo magac dareen “XEERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED” ku saabsanaa heshiiska Berbera ayaa waxa Aqalka looga codeeyey goor dhawayd.

32c3

Ugu horayn waxa cod loo qaaday in kii Golaha Sahacabka soo gudbiyeen la qaato iyo in wax ka bedel lagu sameeyo.

Kadib codayn ayaa la geliyey in sidiisa lagu qaato iyo in kale waxaana xaadir ahaa 36 xubnood oo ka tirsan Aqalka Sare 24 waxay u codeeyeen in sidii uu Golaha Shacabku usoo gudbiyey lagu qaato, halka ay 11 u codeeyeen in wax ka bedel lagu sameeyo.

Codaytaan ka dib waxa la gudo galay u codayta Xeerkii ay Golaha Shacabka soo gudbiyeen, iyadoo ay codayntu u dhacday sidaan:

28 mudane ayaa u codeeyey Xeerka

6 way diideen Xeerka

2 way ka aamuseen

Sidaas ayuu Aqlaka Sare sidiisii ugu ansixiyey Xeerkaas oo khuseeyey Dekedda Berbera oo kaliya, mana Khuseeyo Dekeddaha Muqdisho iyo Bosaso oo ay maamulaan heshiisna la galeen Shirkadaha  Albayrak Group iyo P&O.

Akhriso Xeerka XEERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED

88

88a

88a1

88a2

Puntlandes.com

About The Author