Shirkii Madaxda Dawlad gobaleedyada oo maanta ka bilaaban lahaa Garowe oo oo maalmo dib u dhacay
20 Marso 2018 (Puntlandes) Shirkii ay u balnsanaayeen maanta madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada inuu ka furmo Caasimadda Puntland ee Garowe ayaamaalmo kooban dib u dhacay.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxda dawlad gobaleedyada ku casumay March 20, 2018, in ay Madaxdaas iskugu yimaadaan magaalada Garowe, kaasoo hordhac u ahaa shirka madaxda Qaranka iyo kuwa dawlad Goboleedyada oo magaalada Baydhabo ka qabsoomi lahaa 25ka bishan oo ku beegan Axada soo socota.
Shirka hordhaca ah ee Garowe ayey madaxda dawlad Goboleedyadu waxay isla meel dhigi lahaayeen ama ku shehiin lahaaayeen Qodobo waawayn oo looga hadlayo shirka Baydhabo oo ay ka mid yihiin:
- Qaybsiga Khayraad dalka
- Nooca Doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020ka
- iyo qodobo kale oo muhiim ah
Madaxda Dawladda Faderaalka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Fulinta iyo Golaha Shacabka ayaa waxaa iminka u dhaxeeya khilaaf aad u xoogan kaasoo saamayn wayn ku yeeshay shirarkii looga arinsanayey dib u dhisida dawlada Soomaaliya.
Puntlandes.com