Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Madaxda AMISOM

25 Marso 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay Mooshin ka keenen Xildhibaano ay gadaal ka riixayso xukuumada Soomaaliya ayaa Xerada Xalane kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

94a8

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladii ka dhalatay mooshinka laga keenay Gudoomiyaha, ciidamadii ay Xukuumaddu kula wareegay amaanka xarunta Baarlamanaka iyo howlaha sugida amniga Xarunta, waxaana ku wehliyey Jawaari kullanka Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka iyo Xildhibaano.

Xogta aanu ka helnay kulanka ayaa sheegasa in Guddoomiye Jawaari ka dalbaday AMISOM ammaanka xarunta Baarlamaanka, iyadoo la filayo in dhawaan la guda galo ka doodista Mooshinka.

Madaxda AMISOM ayaa aqbalay inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga Xarunta Golaha shacabka, iyadoo AMISOM waajibaadkeeda qeyb ka yahay amniga Guddoomiye Jawaari.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamo dheeraad ah oo ka socday AMISOM la geeyay xarunta, kaddib markii uu soo baxay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex bilowday Golaha shacabka, iyadoo ciidamadii xarunta ilaalinayay ee ka tirsanaa Booliska, lagu bedelay ciidamo kale oo iyana Boolis ah.

Puntlandes.com

About The Author