Akhriso Aqalka Sare oo baaq & talooyin mcusub ka soo saaray khilaafka Golaha Shacabka
25 Marso 2018 (Puntlandes) Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa baaq iyo talooyin ka soo saaray khilaafka hareeyey Golaha Shacabka, kaasoo ka dhashay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari iyadoo loogu baaqay Xildhibaanada inay u midoobaan gudashada waajibaadka dastuuriga ee maareynta Mooshinka.
Aqalka Sare ayaa waxay ka digeen in laga fogaado is qab qabsi iyo xasilooni dari siyaasadeed ka dhasha mooshinka, waana baaqii labaad oo ay soo saaraan intii uu soo baxay khilaafku.
Aqalka Sare ayaa soo jeediey talooyinkaan:
- Waqtiyeynta aqbalaada Mooshinka Guddoomiye Jawaari laga soo bilaabo 18 bishan Maarso
- Mooshinka mudada uu ku burayo ee 10-ka cisho waxay ku egtahay 28ka bishaan Marso.
Aqalka Sare ayaa sheegay in hadii lagu guuldareysto maareynta mooshinka iyo in la horkeeni waayo Golaha, in dood iyo cod la gelin waayo inta ka horeysa mudada loo cayimay ay u arkayaan in mooshinka buray.
Akhriso Baaqa iyo talooyinka Aqalka Sare
Puntlandes.com