Akhriso C/wali Muudey oo hareer maray dastuurka dalka kadib markii uu iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Gudoomiye Jawaari
25 Marso 2018 (Puntlandes) Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa si cad uga hor yimid dastuurka Soomaaliya kadib markii qoraal uu soo saaray goor dhow ku sheegay in kalfadhiga ugu horeeya Golaha Shacabka la qaban doono 31ka bishan oo ku beegan sabtida soo socota.
Muudey ayaa qoraalkan ku saxiixay inuu yahay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka taasoo iyana ka hor imaanysa Dastuurka dalka iyo xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ayaa ku sheegay ajandaha horyaala xildhibaanada inuu yahay mooshinka Guddoomiye Jawaari waxaana uu ugu baaqay xildhibaanada Muqdisho ku sugan inay yimaadaan xarunta golaha shacabka 9-ka subaxnimo.
Dhanka kale Guddoomiye kuxigeenka ayaa ugu baaqay xildhibaanada ku maqan dibada inay soo galaan ugu dambeyn maalinta khamiista ee ku beegan 29-ka bisha March.
Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye C/wali muudey ayaa ku soo beegmaya saacado kaddib markii Aqalka Sare uu soo saaray baaq ku saabsan in waqtiga aqbalaada Mooshinka laga soo bilaabo 18-ka bishan, taasoo sida Dastuurka dalka iyo xeer Hoosaadka Golaha Shacabka sheegayaan ah in mudada 10-ka cisho ee lagu horkeeno mooshinkaas Golaha si looga doodo waqigiisuna ku egyahay 28ka bishaan Maarso.
Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka oo ay gadaal ka riixayso Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kaayre ayaa si cad ugu tuntay Dastuurka dalka iyo xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, wuxuuna iska indhotiray talooyinkii iyo baaqii ku salaysnaa Dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee ay goor dhawayd soo saareen Aqalka Sare.
Akhriso Qoraalka Muudeey