Sawiro: Maxaa kulansiiyey dib u soo noolaynta Boobkii Gobolka Mudug iyo Eryidii RW Cabdiwali?

Guddigii loogu yeerayey farsamada dhismaha maamulka gobolada dhexe ayaa maanta loo soo gabagabeeyay wax loogu yeeray tababar socday muddo toddobaad ah kaasoo ay ku baranayeen qaabka loo BOOBI karo Gobolka Mudug ee Puntland

“Annagu waxaan nahay guddi farsamo oo ujeedkiisu yahay sidii bulshada gobollada dhexe ku nool ay u heli lahaayeen maamul loo dhan yahay o oka kooban Gobalada Mudug iyo Galgaduud,“ ayuu yiri mid ka mid ahaa Kooxdaas lagu Taqasusinayey sida wax loo BOOBO..

“Muddo afar bilood ah ayaad howshaan soo wadeen waana idin kaga mahad-celinayaa sida aad ugu dhabar-adaygteen howsha oo ah mid adag,“ ayuu yiri Wasiirkii hore DFS Goodax oo ku boorriyay guddiga in ay howshooda si cadaaladi ay ku jirto u dhameystiraan, casharradii ay tababarka ku qaateen ku dabaqaan howshooda.

Hadaba waxaa iswaydiin leh ma Dastuurkii lagu heshiiyey ayaa sidii loogu tuman jiray loogu tumanayaa oo Qodobkii oranayey waxaa dawlad Federaalka xubin ka ah noqon kara laba Gobol iyo ka badan oo iskood u heshiiyey. Mise waxaa si bareer ah loo doonayaa in dagaal lagu huriyo ileen nina dhulkiisa lama BOOBI karee? Xamar oo Caasimadii dalkii la oran jiray Somalia ahayd oo wixii Somaliyi lahayd yiileen waxaa BOOBAY Qabiilka Hawiyaha oo ilaa hada ku xalaalaystay, hadana ma taasaa ku filaan wayday oo waxay is tuseen maanta maalin ay idiinka dagan tahay ma jiro ee BOOBA sidii aad u BOOBI jirteen?

Maxaa u diiday in ay dhukooda iimaansadaan? Maxaa u diiday in ay yiraahdaan waxaan maamul u samaynaynaa Koonfurta Mudug iyo Galgaduud waaba haddii ay ku tumanayaan wixiiSoamliyi ku Heshiisay? Maxay ka rabaan Waqooyiga Mudug oo 16 sano ka hor dawlada Puntland wax ka samaystay? Waa waxaan dhacayn ee amay idiin roontahay kuwa riyoonayoow in aad dadkiina dhinac ka raacdaan? Mudug Rab baa leh soona lahaan jiray nin meel cidla fadhiyana ma BOOBI karo ee ha isdaalinina dadka ha daalinina.

Waxaad moodaa in ay hurdadii ay ka kaceen eryidii raysul wasaare cabdiwali ka dib. Halkan hoose ka daawo sawir muujinaya  iyagoo la faraxsan in BOOBku u hirgalayo.

1123

1122

1124

1121

Puntlandes.com

 

About The Author