AMISOM oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Alshabaab ee saldhigyada Sh/Hoose oo ay sheegeen inay iska caabiyeen

02 April 2018 (Puntlandes) AMISOM ayaa sheegay inay si guul leh ay isaga caabiyeen weeraro ay shalay Alshabaab ku soo qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

13

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Madiera ayaa sheegay in ciidamadooda ay iska waabiyeen weerarkii Alshabaab ku soo qaadeen Buulo Mareer, Qoryooley iyo Golweyn.

Wakiilka ayaa sheegay in 8 ka mid ah gaadiidkii ay wateen Alshabaab oo labo ka mid ah ay qaraxyo saarnaayeen ku burburiyeen, sidoo kale ay hub fara badan gacanta ku dhigeen.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in 30 ka mid ah dagaalamayaashii Shabaab ee soo weeraray saldhigyadooda ay dileen.

Amb. Madiera ayaa sheegay in 4 ka mid ah ciidanka AMISOM ay ku dhinteen dagaalka, halka lix kalena ka dhaawacantay.

Dhanka Alshabaab ayaa Afhayeenkooda C/casiis Abuu Muscab waxa uu sheegay in 59 askari ay ka dileen Ciidanka AMISOM, isagoo qirtay in 14 ka mid ah dagaalyahanadooda lagu dilay dagaalkaas, iyadoo ay Alshabaab shalay oo keliya weeraro taxane ah ku qaaday saldhigyada Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Puntlandes.com

About The Author