Waxqabadka Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) Cabdi Maxamuud (Qaybtii 3aad)

Maqaaladii hore waxaan ku iftiiminay dhanka Nabadgalyada iyo dhanka Biyaha. Maantana waxaan uga hadlaynaa dhanka Waxbarashada oo ka mid ah waxyaalaha aasaasiga ah ee Aadanuhu u baahan yahay si uu Horumar u Hiigsado. Waxbarashada waa nolal wacan Aaasaaskeed, Aqoon la,aani waa iftiin la,aan sidaas daradeed Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ah nin aragti dheer waxaa u muuqatay talaabada nabadgalyada iyo Biyaha ku xigaahi in ay tahay in shacabwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ay helaan Waxbarasho si ay u adkeeyaan Nabadgalyada Horumarna u Hiigsadaan.

1081

Sidaas daraadeed madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu bulshada Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ee jahligu daashaday Miyi iyo Magaalaba u diyaariyey barnaamij looga haqabtirayo Waxabarasho meel kasta oo ay ka joogaan dhamaan Gobolada Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu suura gashay in ka badan 500000 (Nus malyan) dad ahi in ay ka baxaan Mugdigii iyo Jahligii ay ku jireen  ayna helaan Dugsida Hoose/Dhexe, Dugsida Sare iyo Jaamacado kuwaas oo ku yaala Gobol walba. Waana taas tan keentay in Maanta Gabdho iyo Wiilal Aqoonyahano ah una dhashay Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ay madax ka yihiin Degaankooda ayna ka qaybqaadanayaan Horumarinta Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya .

Waxaa waliba jira oo intaas dheer  Barnaamijka Waxbarashada Reer Guuraga oo ay ka Faa’iidaysteen Reer Miyiga Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Taasna waxa suurtagaliyey maskaxda cafmaadka qabta ee Cabdi Maxamuud Cumar, shacabka Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya kuma fakarayn fursadaas dahabiga ee ka timid hogaanka wanaasan ee hada ka jira Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Halkan ka akhriso Qoraalkii 1aad

Halkan ka akhriso Qoraalkii 2aad

 

La soco qaybta kale

W/Q: Bashir Kililka shanaad

Daabacaad: Puntlandes.com

About The Author